Xiddiga Qaranka Argentina & Kooxda Fc Barcelona Lionel Messi oo markiisii 3-aad oo xiriir ah qaaday Laacibka Sanadka ee Dunida (FIFA Ballon d'Or 2011,+War Bixin >> Halkaan ka Daawo Xaflad Heer sare ah)
Markii sadexaad oo Xiriir ah ayuu Jeebka dambe gashtay Ciyaaryahan Lionel Messi Abaalmarinta Xiddiga Sanadka ee Caalamka FIFA Ballon d'Or 2011 .
Laacib Leo Messi wuxuu Abaal marintaan heeystaa Sanadihii 2009, 2010 iyo kiisii 3-aad oo noqday Sanadkii ugu dambeeyey ee 2011.
Lionel Messi ayaa Sanadkii la soo dhaafay waxa uu kooxdiisa Fc Barcelona la soo qaaday Koobka Uefa Champions League, Horyaalka dalka Spain ee La Liga , Super Koobaha Yurub ,Super Cup-ka dalka Spain iyo Koobka Qaaradaha Aduunka Club World Cup oo bishii Dezembar lagu soo gaba gabeeyey dalka Japan.
Ciyaaryahan Lionel Andres Messi xili Ciyaareedkii 2010 ilaa 2011 wuxuu kooxda Fc Barcelona 55-kulan u saxiixay 53-Gool kaas oo sidoo kale soo qaaday Gooldhalintii Koobka Champions League 2010 & 2011 (12-Gool).
Lionel Messi oo qaaday FIFA Ballon d'Or markiisii 3-aad waxaa ku wehliya iskoorkaan oo min Sadex jeer dhankooda heeysta Laacibiinta kala ah Ronaldo De Lima Sanadihii 1996, 1997 iyo 2002. Mucjisadii hore ee Kubada Cagta Zinedine Zidane oo qaaday isna 1998, 2000 iyo 2003. Waxaa sidoo kale Sadex jeer qaaday Abaalmarintaan qaaliga ah Masuulka hada ah Gudoomiyaha Xiriirka Uefa Mr.Michel Platini oo qaaday Abaalmarintaan Sanadihii 1983, 1984 iyo 1985 wuxuuna xiligaas u Ciyaari jiray kooxda Juventus iyo Qaranka France.
Dhanka Haweenka waxaa Jagada Laacibada Sanadka la siiyey Haweeneey u dhalatay dalka Japan taas oo lagu magacaabo Homare Sawa. Tababaraha Sanadka 2011 waxaa ku Guuleeystay Macalinka kooxda Fc Barcelona Mr.Josep Guardiola oo xilkaas dhibco kaga hor maray Macalinka Manchester United Sir Alex Ferguson iyo Tababaraha Real Madrids Mr.Jose Mourinho.
Ciyaaryahan Lionel Andres Messi waxaa jagadaan FIFA Ballon d'Or kula tar tamayey Laacibiin fara badan balse waxaa ugu fir fircoona Ciyaartooyda kala ah Cristiano Ronaldo (Real Madrid) iyo Xavi Hernandez (Fc Barcelona).
Halkaan ka Daawo qaabkii ay abaalmarinta u dhacday http://www.youtube.com/watch?v=L_RU9W-Wrqs .