Maamulada Somaliland Vs Puntland oo Qoorta isku galiyey Shacabka degan inta u dhaxeeysa Labadaas Maamul (Halkaan ka Daawo Dagaal iyo Madaafic Guryo lagu duqeeyey)
Dagaalkii ku dhex maray magaalada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn Maleeshiyo beeleedka Ururka SSC iyo Ciidamo taabacsan Xukuumada Somaliland ayaa waxa uu noqday mid aan waxba la iskula harin oo Madaafiic culus la isku garaacay.
Guryo ku yaal Degmada Buuhoodle wexeey ku gubteen Madaafiicdii la isku garaacay halka qaar kale ay ku bur bureen intii uu Dagaalka socday. Labada Ciidan ayaa iminka isku hor fadhiya Deegaanka loo yaqaan Shangale.
Waxaa marba marka ka dambeeysa sii xoogeeysanaya Naceeybka ay isku qabaan Maamulka Somaliland oo Taageeraya kooxo ka soo jeeda deegaankaas iyo Maleeshiyo Beeleedka SSC oo Taageere Milatari ka helaya Maamulka Puntland .
Qaar ka tirsan Shacabka Deegaankaas dega oo aan jecleeyn gooni isu taaga Maamulka Somaliland wexeey ugu yeeraan dawlada Somaliland koox uga soo duushay dhanka magaalada Hargeeysa halka Maamulka Somaliland ay kaga jwaabaan arintaas ineey la Dagaalamayaan kooxo ay soo hubeeysay Puntland oo dooneeysa is hor taaga Midnimada Gobolada Somaliland.
Mid ka mid ah Odayaashii ka qeeyb qaatay Dagaalkii Degmada Buuhoodle wuxuu sheegay in goobtaas uu kaga gubtay Go´ii uu watay oo kaliyah uuna Dagaalka sii wadi doono ilaa uu ka gaaro halkii ay ka soo duuleen maamulka Somaliland oo uu ugu yeeray Ururka SNM.