Dagaal dhex maray koox Libaaxyo ah oo Qash qashaad la soo doontay Maroodi (Yaa la bursaday Halkaan ka Daawo).
Maroodiga ma ahan kan Xayawaanaadka ugu awooda badan oo kaliyah balse waa kan Xayawaanaadka ugu Amaan sugida badan dhanka Caruurtiisa. Caruurta Maroodiga waxaa aad u adag ineey wax yeelo u geeystaan Xayawaanaadka kale ee Cuna wax alaale iyo wixii ka soo hor baxa.
Caruurta Maroodiga marka ay Daaqayaan labada dhinac waxaa ka waardiyeeyo Aabaha iyo Hooyada dhalay waana arin Rabaani ah oo aan looga baran inta badan Xayawaanaadka kale. Ma jiro Xayawaan si fudud ku Cuni kara Caruurta Maroodiga waxaana Maroodiga ka adag oo kaliyah Dadka Beni´aadanka ah oo inta Badan Rasaas ku Dila ka dibna kala Baxa waxa loo yaqaan Ganaha Maroodiga (Foowl-Maroodi).
Maroodiga wuxuu inta badan bursadaa Libaaxa iyo Shabeellka oo lagu tiriyo kuwa ugu halista badan Xayawaanaadka wuxuuna Maroodiga sidoo kale u diidaa ineey ka ag Daaqaan Libaaxyada iyo Shabeelada maxaa yeelay wuxuu ogyahay labadaas Xayawaan ineeysan marnaba Daris wanaag iyo Aamin gelin.