LA YAAB : Fc Barcelona oo dhashay Messi cusub,* Maxaad kala socotaa Qabiirkaan cusub oo noqday Saqiirkii ugu hadal heeynta badnaa Sportiga Caalamka? Yuu u dhashay, Waa sidee Awoodiisa Ciyaareed? (Halkaan ka Daawo Mucjisadaan cusub) + Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News >> Xaalada Man Utd oo Alloow sahal noqotay !!
Hadal heeynta ugu badan dhanka Saxaafada Sportiga wexeey noqotay Mucjiso cusub oo u dhalatay kooxda Fc Barcelona kaas oo lagu magacaabo Takefusa Kubo. Saqiirkaan yar ee Nasiibka badan weliba isaga oo yar Laacibka noqday waa 11-sano jir u dhashay dalka Japan.
Takefusa Kubo waxaa laga qeeyliyey dhanka Farsameeynta Kubada wuxuuna dhex jeexaa Difaacyada iyo Mintidiinta qadka dhexe ilaa uu Kubada ula tago Goolhayaha. Waxaa sidoo kale aad loogu amaanay dhaqankiisa ama aadaabtiisa oo lagu sheegay sidii qof qaan gaar ah camal.
" Leo Messi isaga oo xoogaa weeyn ayuu Laacib soo caan baxay noqday anaana Tababari jiray laakiin Xiddigaan yar ee la yiraahdo Takefusa Kubo sidaan ayuuba Laacib ku yahay oo uu iiga yaabsaday,, Hadalkaas waxaa yiri Tababarihii Leo Messi oo hada Macalin u ah Takefusa Kubo Mr. Oscar Hernandez Halkaan ka Daawo Mucjisadaan cusub >>> http://www.youtube.com/watch?v=16GGpbKP8jo .
Kooxda Fc Barcelona waa Naadi aad u Nasiib badan maadaama inta badan Laacibiinteeda ay kala soo baxdo Xerada La Masia oo Caalamka looga yaqaan Warshada Ciyaartooyda.
*** Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd ayaa maalmahaan xaalkeeda waxa uu noqday Alloow Amuuraha sahal ka dib markii ay soo food saartay Awood dari iyo isku dhex yaac dhanka Lacibiinteeda ah.
Manchester United oo koobka England League Cup gurigeeda Old Trafford ku ciyaareeysay waxaa Sharafta ka qaaday oo 1-2 uga badisay kooxda Crystal Palace oo Serie B-da dalka Ingiriiska ka socotay.
Man Utd waxaa ka yaabsaday oo Gool Shabaqooda ku luxay Ciyaaryahan Darren Ambrose oo Kubada ka soo darbeeyey meel goosha ManU u jirtay 35-Mitir.
Goolka Bareejada kooxda Man Utd waxaa u saxiixay Ciyaaryahan Federica Macheda Daqiiqadii 68-aad balse waxaa xiligii dheerig ahaa ee ciyaarta lagu daray Man Utd Goolka 2-aad ka xareeyey Ciyaaryahan Glenn Murray Daqiiqadii 98-aad.
Koobka England League Cup waxaa iskugu soo hartay 4-kooxood , Kooxda Crystal Palace wexeey isku dhici doonaan Cardiff City halka Man City Vs Fc Liverpool aad iskugu dhaarsan yihiin. Kulamada koobkaan ayaa la ciyaari doonaa Wajigiisa hore 9-Bisha Janaayo 2012 iyo 23 isla Bisha Janaayo 2012 .
Fiiro Gaar ah : Kulankaan kooxda Man Utd wexeey soo saftay Abkeey Binji oo dhan .
*** Kooxda kubada cagta ee Sunderland wexeey iska ceeyrisay Macalinkoodii Steve Bruce oo lagu eedeeyey Taakdari iyo isku dhex yaac cusub.
Sunderland horyaalka Ingiriiska wexeey uga jirtaa 13 kulan oo eey ciyaartay kaalinta 16-aad. Macalimiinta u sharaxan ineey qabtaa jagada Tababarnimo ee kooxda Sunderland wexeey magacyadooda kala yihiin Martin O'Neill und Mark Hughes.