LA YAAB : Mesut Mustafa Özil "Bisha Ramadaan hal maalin igama fakan,dagaalkii na dhex maray aniga iyo David Villa 100% wuu iga qaldanaa !! (Wareeysi By SPORT1.de) iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !!
Xiddiga Qaranka Germany iyo kooxda Real Madrid Mesut Mustafa Ozil oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiga ayaa waxa uu Wayreeysi dhinacya badan taabtay siiyey Tv-ga dhanka Sportiga ugu caansan dalka Germany ee lagu magacaabo SPORT1.de.
Mesut Ozil ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa uu ku sugnaa dalka Germany gaar ahaan Garoonka Veltins-Arena oo ku yaala magaalada Gelsenkirchen ee dalka Jarmalka halkaas oo lagu wado ineey Maalinta Jimcaha ah Qaranka Germany Ciyaar adag kala hortagaan Xulka Austria oo eey ku wada jiraan is reeb reebka koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012-ka.
Tv-ga SPORT1.de oo wareeystay Ciyaartooyda Qaranka Germany kuwooda Dibada ka ciyaara sida Mesut Mustafa Ozil oo Real Madrid u ciyaara, Miroslav Marian Klose oo u safta SS Lazio iyo Sami Khedira oo isna u ciyaara kooxda Real Madrid ayaa Wareeysigii Mesut Ozil waxa uu noqday dhanka warbaahinta kii ugu hadal heeyta badnaa.
Mesut Ozil mar la weeydiiyey sababta eey isku dagaaleen isaga iyo David Villa kulankii Fc Barcelona Vs Real Madrid (3-2) waxa uu ku jawaabay sidan:
" David Villa wuu iga qaldanaa 100% maxaa yeelay anoo kala celinaayo Ciyaartooy isku buuqday ayuu inta ii soo dhawaaday waxa uu igu yiri ka fadhiiso sheekada Ciyaal ayaad meesha ka tahay wuxuuna isla markiiba igu bilaabay inuu i kala tuuro ayuu yiri Laacib Mesut Mustafa Ozil.
Mesut Ozil oo Qooyskiisa Xaflada Ciida la qaatay ayaa mar dhanka bisha Ramadan inuu Soomay iyo in kale wax laga weey diiyay waxa uu ku jawaabay sidan :
" Hal maalin igama tagin Ramadaanka mana aqaan sababta uu ii dhaafi lahaa maxaa yeelay ma aanan aheeyn Ruux jiran ama Safar ku jiray ,,
Ciyaaryahan Mesut Mustafa Ozil ayaa inta badan Telefishinada waxaa laga daawadaa xiliyada uu Qarankiisa ama kooxdiisa u ciyaaraayo isaga oo Duceeysta weliba barya Rabi inta eeysan Ciyaarta bilaaban.
*** Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News ayaa nagu soo gaaraya qaabkaan hoos ku qoran : *** Weeraryahankii Qaranka England iyo kooxda Fc Liverpool Joe Cole waxa uu si buuxda ugu biiray kooxda Lille oo heeysata Horyaalka dalka Faransiiska.
Kooxda Fc Arsenal wexeey Xiddigaha The Gunners ku soo biirisay Xiddiga Qaranka Brazil Andre Santos oo ka yimid dhanka kooxda Fenerbahce Istanbul ee horyaalka Turkiga.
*** Laacibkii hore ee kooxaha Fc Barcelona Stuttgart iyo Arsenal Alexsander Hleb waxaa soo iibsatay kooxda Wolfsbrug ee horyaalka Germany.
*** Kooxda Inter Milan oo dhanka weerarka iska adkeeysay Isbuucii la soo dhaafayna soo iibsatay Diego Forlan hadana wexeey Weeraryahanadeeda ku soo biirisay Weeraryahanka Qaranka Argentina iyo kooxda SS Lazio Mauro Zarate.
*** Kooxda Ath.Madrid wexeey hal sano oo deeyn ah kula soo wareegtay Xiddiga Reer Brazil Diego oo ka yimid dhanka kooxda Wolfsbrug oo ka dhisan horyaalka Germany ee Bundesliga.
*** Kooxda Hoffenheim ee horyaalka Germany waxaa iskaga huleelay Josip Simunic oo ah Difaacii yaabka badnaa ee ku dhashay Magaalada Canberra ee Caasimada dalka Australia balse asal ahaan ka soo jeeda una ciyaara Qaranka Croatia ayaa mudo 14 sano ah oo uu ka ciyaarayey dalka Germany waxa uu hada markii ugu horeesay caga dhigtay kooxda heeysata Horyaalka dalkiisa hooyo ee Croatia kuna jirta sanadkaan koobka Champions League waa Dinamo Zagreb.