Wararkii ugu dambeeyay ee Kawaanka kala iibsiga Ciyaartooyda oo soo xirmay iyo Laacibiin fara badan oo la kala iibsaday (Maxaa Cusub Xiriiriye.com & World Sport News ???)
Suuqa Kawaanka Ciyaartooyda ayaa waqtigiisii dhamaaday waxaana la iskugu dhuftay Albaabada taas oo ay qaar ka tirsan kooxaha ka faaideeysteen halka qaar kale iyaga oo Lacag baqiilaya uu ku dul xirmay Suuqa kala iibsiga Ciyaartooyda Caalamka. (Hadaba maxaa Cusub? Yaa la gaaday ? Yaase wax gaaday?) !!
*** Kooxda Paris Saint-Germain oo maalmahaan kacsaneed waxeey gacanta ku soo dhigtay Xiddiga Qadka dhexe ee Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Inter Milan waa Ciyaaryahan Thiago Motta oo 29 jir ah kana soo jeeda asal ahaan dalka Brazil.
Paris Saint-Germain horay waxeey u soo iibsatay Laacibiinta kala ah Maxwell oo FC Barcelona ka yimid iyo Alex oo dhanka FC Chelsea ka yimid. Dhanka kooxda Inter waxeey gacanta ku soo dhigtay Angelo Palombo oo laga soo iibiyay kooxda Sampdoria Genoa iyo Xiddiga Qaranka Colombia Freddy Guarin oo isna ka yimid dhanka kooxda Fc Porto.
*** Kooxda Kubada cagta ee Fc Chelsea waxeey soo iibsatay Mucjisada cusub ee Qaranka Beljemka iyo kooxda heeysata horyaalka dalka Beljemka RC Genk waa Ciyaaryahan Kevin de Bruyne. Ciyaaryahan Kevin de Bruyne oo 20 jir ah kana Ciyaara Qadka dhexe waxeey kooxda The Blues Fc Chelsea ku soo iibsatay 8-Milyan oo Euro.
*** Kooxda Ac Milan ee Horyaalka Talyaaniga waxeey dariskeeda Inter Milan kala soo wareegtay Xiddiga Qaranka Ghana Sulley Muntari oo 27 jir ah. Ciyaaryahan Sulley Muntari wuxuu amaah ahaan ugu maqnaa mudo sanad ah kooxda Sunderland ee Horyaalka dalka Ingiriiska wuxuuna hada u Ciyaari doonaa inta ka dhiman horyaalka Serie A kooxda The Rossoneri (Ac Milan).
*** Kooxda Borussia Dortmund oo heeysata Horyaalka Bundesligaha dalka Germany waxeey iska iibisay Weeraryahanka Qaranka Masar Mohamed Zidan oo u wareegay kooxda Mainz ee isla horyaalka Germany waana kooxdii ugu horeeysay ee uu ku soo caanbaxay Mohamed Zidan .
*** Kooxda Fc Porto oo xili Ciyaareedkaan isku darsatay 5 Koob waxeey si toos ah ula soo wareegtay Weeraryahanka qatarta ah ee kooxda Twente Enschede oo heeysata koobka dalka Holland una Ciyaara Qaranka Austria waa Marc Janko oo 28 jir ah. Janko waxaa laga soo bixiyay 7 Milyan oo Euro waxaana si aad ah u doonayey kooxaha kala ah Fc Fulham, Celtic Glasgow iyo Fenerbahce Istanbul.
*** Kooxda Tottenham ee Horyaalka Ingiriiska waxeey iska iibisay Difaaca Lugta Midig ee Qaranka Croatia waa Ciyaaryahan Vedran Corluka oo u wareegay kooxda Bayer Leverkusen oo ka Ciyaarta horyaalka Bundesliga ee dalka Germany. Vedran Corluka oo 25 jir ah waa Difaacyada dheg dhega badan oo inta badan isku kooleeya Weeraryahanada wuxuuna kooxda Tottenham ee horyaalka Premier League u saftay 52-kulan.
*** Kooxda Fc Everton ee horyaalka Premier League waxeey 8-Milyan oo Lacagta Pfund-ka ah una dhiganta 9,58 Milyan oo Euro ku soo iibsadeen Weeraryahanka kooxda Glasgow Rangers iyo Qaranka Croatia Nikica Jelavic oo 26 jir ah. Nikica Jelavic wuxuu xili Ciyaareedkii la soo dhaafay kooxdiisa Rangers u saftay 55 kulan kaas oo u dhaliyay 36-Gool.
*** Xiddigii hore ee Qaranka Brazil iyo kooxda Fc Barcelona Rivaldo oo hada 39 jir ah waxaa 790.000 Euro oo Lacag aad u yar ah ku iibsatay kooxda Reer Angola ee lagu magacaabo Club Kabuscorp. Rivaldo wuxuu sheegay in looga gacan haatiyay Horyaalada dalalka Qadar iyo Shiinaha balse uu isaga shaqsi ahaan doortay horyaalka dalka Angola maadaama Luuqad ahaan ay ku hadlaan Bortuqiiska oo looga hadlo sidoo kale dalka Brazil.
*** Kulamo ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League oo la Ciyaaray waxaa Guuldaro dhabarka loo saaray kooxda Manchester City oo hogaanka u heeysa horyaalka Ingiriiska waxaana 0-1 uga badisay kooxda Fc Everton oo ka dhisan magaalada Liverpool.
Goolka looga naxsaday Manchester City waxaa ka dhaliyay Ciyaaryahan Darron Gibson oo 3 Isbuuc ka hor ka tagay Man Utd una wareegay kooxda Fc Everton. Darron Gibson oo Paas aad u qurux badan ka helay Difaaca Lugta bidix ee kooxda Everton Leighton Baines ayaa goolka saxiixay Daqiiqadii 60-aad.
Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd oo fursadaan qaaliga ah ka faaideeystay waxeey 2-0 ku suuldaareen kooxda Stoke City. Labada gool ManU waxaa u kala saxiixay Xiddiga reer Mexico Javier Hernandez (Daqiiqadii 38-aad Rigoore) iyo Weeraryahanka Qaranka Bulgaria Dimitar Berbatov Daqiiqadii 53-aad.
Kooxda Fc Chelsea waxeey faro cidiyo leh uga baxsatay naadiga Swansea oo ay Bareejeeyeen dhamaadkii Ciyaarta Daqiiqadii 90-aad ka dib markii uu Swansea si qalad ah Gool uga dhaliyay xiddigii hore ee Fc Chelsea Scott Sinclair . Kooxda Fc Chelsea waxaa Rooso laga siisayay Ashley Cole oo uga ciyaara Difaaca Lugta Bidix (Daqiiqadii 86-aad).
Kooxaha kale ayaa sidan isku gumaaday Tottenham Vs Wigan 3-1, Wolverhampton Vs Fc Liverpool 0-3. Kooxda Fc Arsenal ayaa lagu wadaa Caawa ineey la Ciyaarto kooxda Bolton. Horyaalka dalka Ingiriiska waxaa min 54-dhibcood ku hogaaminayo kooxaha Reer Manchester ee kala ah Man Utd iyo Man City, Tottenham waxeey leedahay 49-Dhibcood ,Fc Chelsea 42-Dhibcood, Fc Liverpool 38-dhibcood iyo Fc Arsenal oo kulan uu baaqi u yahay waxeeyna The Gunners Fc Arsenal leedahay 36-Dhibcood .