36 sano ka dib Xulka Qaranka Sudan oo Goolkiisii ugu horeeyey ka dhaliyey koobka Qaramada Africa iyo Xulka Ivory Coast oo u soo baxay wareega 2-aad,* kooxda Ac Milan oo SS Lazio Lafteey qaaday jabisay (World Sport News+Africa Cup of Nations HALKAAN KA DAAWO)
*** (Sudan Vs Angola 2-2) Koobka Qaramada Africa oo si xiiso leh uga socda dalalka Gaboon iyo Equatorial Guinea ayaa waxaa Taariikh madoow oo mudo aad u fog dul saarneed iska reebay Xulka Qaranka Sudan. Sudan oo ku jirta Guruub (B) mudo 36 sano ah wax Goolal ah kama dhalin Koobka Qaarada Africa balse Ciilkii ay arinkaas ka qaadeen waxeey iminka kula dhaceen Xulka Angola oo ay 2-Gool ka dhaliyeen.
Goolasha Qaranka Sudan waxaa u wada dhaliyay Ciyaaryahan Mohamed Ahmed Bashiir Daqiiqadihii 33-aad iyo 74-aad. Xulka Angola oo mar kasta Goolasha kala hormarayey Xiddigaha Sudan waxaa dhankooda Goolasha u wada dhaliyay Weeraryahan Manucho Daqiiqadihii 5-aad iyo 50-aad Rigoore. Halkaan ka Daawo Ciyaarta Sudan Vs Angola >>> http://www.youtube.com/watch?v=PQ_1ek0iMwg .
*** Isla Guruubkaan (B) waxaa fooda is daray dalka Ivory Coast oo sanadkaan loo saadaaliyay hanashada koobka Qaramada Africa iyo xulka Burkino Faso. Ciyaartaan oo eheed mid adag waxaa 2-0 ku badisay Ivory Coast oo u soo gudubtay Wareega 2-aad ee koobka Qaramada Africa (6-Dhibcood).
Goolasha Xulka Ivory Coast ku badiyeen waxaa u kala saxiixay Weeraryahanka kooxda Fc Chelsea Salomon Kalou oo Daqiiqadii 16-aad gool Shoot ah u dhaliyay Qarankiisa halka Goolka 2-aad uu ahaa mid uu kooxdiisa si qalad ah uga dhaliyay Ciyaaryahan Bakary Kone Daqiiqadii 82-aad. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=mqtIwPKm-d0 .
GURUUB (B) KOOXAHA WEXEEY U KALA KOREEYAAN QAABKAAN :
1.
Ivory Coast *
2
2
0
0
3:0
6
2.
Angola
2
1
1
0
4:3
4
3.
Sudan
2
0
1
1
2:3
1
4.
Burkina Faso
2
0
0
2
1:4
0
*** Maanta oo Jimce ah waxaa lagu wadaa ineey wada Ciyaaraan Qaramada Tunisia Vs Niger saacadu markeey tahay 17.00 Galabnimo iyo Gabon Vs Marocco oo fooda is dari doona 20.00 Fiidnimo. Weeraryahanka Fc Arsenal Marwane Chamakh oo wata Qaranka Marooko hadii kulanka caawa la tumo sidaas ayeey uga hari doonaan koobka Qaramada Africa waxeeyna caawa marti u yihiin Gaboon oo Gurigeeda ku dheeleeysa. Dhanka xulka Tunisia oo Ciyaal yar yar wadata hadii ay xulka Niger dhibcaha ka tirsadaan waxeey u soo gudbi doonaan wareega 2-aad ee koobka Qaramada Africa oo ilaa hada ay soo caga dhigteen Xulalka Ivory Coast iyo Equatorial Guinea.
*** Kooxda Kubada cagta ee Ac Milan oo Ciyaartay koobka dalka Talyaaniga wexeey jooga ka riday naadiga SS Lazio oo ay kaga badiyeen 3-1.Ciyaarta oo mareeysay 5 daqiiqo oo kaliyah ayuu Gool kaga naxsaday kooxda Ac Milan Weeraryahankii hore ee Qaranka Reer France Djabril Cisse.
Goolasha Jawaabta ah waxaa The Rossoneri Ac Milan u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Robinho Daqiiqadii 15-aad, Seedorf Daqiiqadii 18-aad iyo Laacib Zlatan Ibrahimovic Daqiiqadii 84-aad. Copa Italy waxaa horay ugu soo baxay oo Ac Milan sugayey kooxaha kala ah Juventus,Napoli iyo Siena.
*** Macalinkii hore ee Qaranka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen Mr.Jürgen Klinsmann wuxuu wadada Guusha ku soo celiyay xulka Qaranka USA oo bilihii ugu dambeeyey ay ka taalay. Jürgen Klinsmann oo Xulka Mareeykanka awood cusub ku soo kordhiyay waxeey kulankii ugu dambeeyey 1-0 ku suul daareen xulka Panama waxaana Goolkaas Agoonka ah Daqiiqadii 9-aad u saxiixay Xiddiga Qaranka Mareeykanka uga Ciyaara dhanka Qadka dhexe waa Ciyaaryahan Estadio Rommel Fernandez.