Mas Weeyn oo lama arag iyo lama maqal ku dhigay Dhaqaatiir suuxisay oo uu ku soo naaxay iyo goobtii oo lagu kala cararay (Helikobtaro iyo Qalab casri ah oo loo adeegsaday soo qabashada Maskii fakaday !! YAAB ) !!!!
Gobolka Florida ee dalka Mareeykanka waxaa ka dhacday Qiso aad u yaab badan oo qabsatay Dhaqaatiir iyo Cilmi baarayaal Suuxiyay Maska nuuca Soomaalida ay u taqaan Jabisada balse dalka Mareeykanka looga yaqaan Python-Plage.
Maskaan oo ahaa mid aad u weeyn una dhirir badan waxaa mudo Isbuuc ah lagu hayey baarintaan ku saabsan dhanka Suntiisa heerka ay gaarsiisan tahay iyo Dadka ama Xayawaanaadka kale ee uu Qaniino qaabka lagu Daaweeyn karo.
Maskaan oo la Suuxin jiray maalin kasta marka la baaraayo ama la Darsayey Suntiisa ayaa waxaa si lama filaan ah goobtii uga dhacday Qadar Alle iyo kala carar ka dib markii Cirbadii Suuxdinta eheed ee loo isticmaalay Maskaan ay noqotay mid yareeysay awooda Hurdadiisa waxaana dhacday inuu soo Naaxo oo mid ka tirsan Dhaqaatiirtii baareeysay iyo Ruux kale oo Haweeneey lagu sheegay una eheed Dhaqtarkaas Kalkaaliye uu mar qura isku duubay weliba gaarsiiyay Dhaawacyo halis ah.
Goobtii uu Shilka ka dhacay waxaa si deg deg ah ku soo gaaray Ciidamada Komaandooska Florida oo ugu dambeeyntii ku Guuleeystay in Maskii fakaday ay ka soo qabtaan banaanka magaalada iyaga oo qaarkood isticmaalayey Helikobtaro iyo Qalab kale oo casri ah.
Maskaan oo lagu magacaabo Python-Plage waxaa aad loo la yaabay qaabkii uu uga fakaday goobtii lagu baarayey isaga oo ka baxay Meel Daaqad ama Dariishad ah oo aad u adag sii looga baxo. Maskaan ayaa magaaladaas waxa uu ku beeray cabsi waxaana Hoowlgalkii lagu raadinayey uu qaatay mudo 8 Saacadood ah..
Sharciga dalka Mareeykanka ayaa waxa uu dhigayaa in Qarashkii ku baxay la Dagaalanka Maskaan iyo Hawlgalkii loo isticmaalay ay dusha u ridan doonaan Dhaqaatiirtii Suuxisay oo lagu eedeeyay ineey ku yareeyeen Cirbada ama Daawada loo isticmaalo Xayawaanaadka qatarta ah marka la Suuxinaayo.