John Rooney oo la soo baxay Wacdaraha Walaalkiis Wayne Rooney iyo Ciyaaryahan Thierry Henry oo si weeyn u gacan qabtay (Daawo Sawirka Gudaha) Kuna biiri Aqoontaada Sport ,* Laacib Neymar & FC Santos oo Gacanta ku dhigay Copa Libertadores, Pele oo Saxaafada la hadlay & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News .
(Ku biiri Aqoontaada Sport) : John Richard Mark Rooney waa Walaalka weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Richard Mark Rooney. John Rooney wuxuu ku dhashay 17.12.1990 Magaalada Liverpool ee dalka England waana 20-sano jir.
John Rooney wuxuu u soo ciyaaray kooxda Fc Evertoon 1996 ilaa Sanadkii 2002-da. Wuxuu intaas ka dib u wareegay kooxda Macclesfield Town oo ka dhisan kooxaha hoose ee dalka Ingriiska wuxuuna la joogay laga soo bilaabo 2002 ilaa 2008.
John Richard Mark Rooney xiligaan la joogo wuxuu u ciyaaraa kooxda kubada cagta ee the New York Red Bulls oo ka dhisan Horyaalka dalka Mareykanka ee lagu magacaabo Major League Soccer . John Rooney wuxuu ka ciyaaraa Qadka dhexe waxaana aad u jecel oo la sheegay inuu maalin kaste Telfoon ku waco walaalkiis ka weeyn waa Wayne Richard Mark Rooney.
Wayne Rooney oo la hadlayey the Daily Mirror Newspaper waxa uu yiri sidan " Walaal keey iga yar John Rooney waa Jeclahay maxaa yeelay wuxuu ku mintiday meelna iska saaray sidii uu Ciyaaraha kubada cagta meel wanaagsan uga gaari lahaa, laakiin waxaan ka xumahay walaalka kale ee lagu magaaco Graeme Rooney oo gebi ahaanba isaga haray Ciyaaraha kubada cagta kuna biiray Filimaanta Shaacirada loo yaqaan " (Comedian Actor) .
Graeme Richard Mark Rooney wuxuu 2 sano ka yar yahay Wayne Rooney wuxuuna dhanka Shaacirada Filimaanta ku yeeshay Taageero xoogan.
John Rooney waa Xiddiga cusub ee hada la soo baxay saan saanta iyo Mucjisada Walaalkiis Wayne Rooney waxaana si weeyn u gacan qabtay oo mar kasta eeysan kala harin Laacib Thierry Daniel Henry oo eey u wada ciyaaraan kooxda New York Red Bulls iyo Tababaraha kooxdaas oo lagu magaaco Coach Hans Backe una dhashay dalka Sweden.
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY NAGU SOO GAARAYAAN SIDAN ***
*** Chris Hughton oo la wareegay xilka Tababarnimo ee kooxda Birmingham City.
*** Mucjisadii Gambiska Ex-Juventus Player Diego oo lagu ganaaxay Lacag uu ka ka naxay Cadadkeeda.
Ciyaaryahan Diego Ribas da Cunha oo hada u ciyaaro kooxda VfL Wolfsburg ee Horyaalka Germany ayaa waxaa la dul dhigay Lacag Ganaax ah oo cadadkeeda lagu sheegay 500.000 oo Euro .
Diego Ribas da Cunha ayaa lagu heeystaa ka dib markii uu bixin waayey Lacagtii Hotelkii eey degeen Ciyaartii TSG Hoffenheim Vs Wolfsbrug (3:1) oo la safi waayey kulankaas wuxuuna Warqadii Boonada ama xisaabta uga tagay isla Hoteelkaas dhexdiisa taas oo u sababtay in la dul dhigo ganaax 500.000 oo Euro ah .
*** Kooxdii uu horay u soo aas aasay Mucjisadii hore ee ciyaaraha kubada cagta Mr.Pele waa Fc Santos ayaa wexeey gacanta ku dhigtay markeedii 3-aad Koobka dalalka Laatiin America ee Copa Libertadores. Koobkaan waa Champions Liigaha dalalka Latin America wexeeyna Fc Santos 2-1 uga qaadeen kooxda Penarol Montevideo oo ka socotay dalka Uruguay.
Club FC Santos oo Caalamka looga yaqaan Warshada eey ka soo baxaan Laacibiinta Qaranka Brazil ayaa waxaa labada gool u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Neymar (47 Daqiiqo) iyo Danilo (69-Daqiiqo). Goolka kooxda Montevideo keensatay wuxuu ahaa mid uu kooxdiisa ka dhaliyey ama ka xareeyey Ciyaaryahan Durval Daqiiqadii 80-aad.
Neymar oo ah Mucjisada daŽda yar ee Qaranka Brazil iyo Fc Santos ayaa ciyaartaas ka dib Pele oo Saxaafada la hadlaayey waxa uu sheegay inuu la jeclaan lahaa Xiddigaan uu soo caan bixiyey inuu u wareego kooxda Real Madrid. Ciyaaryahan Neymar da Silva Santos Junior waa Weeraryahankii bishaan lagu jiro kooxii ebid ugu badnaa Horyaalada Dunida eey aad u doonayaan.
*** Kooxda FC Sunderland ee Horyaalka England ayaa si qorsheeysan wexeey ula soo wareegtay Ciyaaryahan Sebastian Larsson oo eey si baŽan iskugu heeysteen kooxaha kala ah Fc Arsenal, Aston Villa, Fulham iyo Galatasaray Istanbul.
Sebastian Larsson oo lagu sheegay Mucjiso cusub kuna wanaagsan Qadka dhexe waa 26-jir u dhashay dalka Sweden una ciyaari jiray kooxda Birmingham City oo hada ku laabatay heerka 2-aad ee kooxaha Horyaalka England balse heeysata koobkii League Cup oo eey ka qaadeen Fc Arsenal.
*** Ciyaartooyda kooxda Fc Barcelona ayaa ka Jawaabay Hanjabadii uu dhoor maalmood ka hor Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo Saxaafada soo marsiiyey. Hanjabaadaan ayuu ku sheegay Laacib Cristiano Ronaldo dos Santos Aveiro in la gaaray xiligii kooxda Fc Barcelona Guuldarooyin dhabarka loo saari lahaa weliba Dhulka laga qaadi lahaa.
Xavi Hernandez ,Andrés Iniesta iyo Lionel Messi ayaa hadalka Halgame C.Ronaldo ku sheegay mid uusan ka fiirsan Kubaduna Guusheeda eey raacdo Ciyaartooyda si wanaagsan u dheesha weliba aanan Saxaafada horteeda ku faanin soona bandhigta Maslaxa kubada cagta wixii eey awood leeyihiin !! .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com