Maxkamad ku taala magaalada Hambrug ee dalka Jarnalka ayaa xukuno kala gedisan oo xabsi ah ku xukuntay 10 nin oo Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyey iney ka mid ahaayeen burcad badeeda Soomaalida ee afduubata maraakiibta marinkoodu yahay badwynta India iyo Geeska Afrika.
Garsooraha maxkamadan ayaa sheegay in dhalinyaradaan la xukumay lagu eedeeyay inay qafaasheen markab nooca xamuulka oo Jarmalka laga leeyahay kaasoo lagu magacaabo MV Taipan bishii April ee sanadkii 2010 isagoo marayay meel ku dhaw xeebaha Soomaaliya., waxana uu intaa ku daray in ciidamada badda Jarmalka ay xoog ku furteen markabkaas ka dibna ay qabqabteen burcad badeedii heysatay.
Warbahinta dalkaas ayaa qortay in Maxkamada la hor keenay 10 ruux oo Soomaali ah todoba ka mid ahna waxau sheegeen in lagu xukumay min 11 sano iyo bar xarig ah, halka Sadexda kale lagu xukumay min 4 sano oo xarig ah waxaana lagu sheegay in sababta loogu qafiiyey xabsiga ay tahay iyagoo aan weli gaarin da'da qaan gaarnimada ee uu dhigayo sharciga dalkaas oo ah 18 sano.
Xabsiyo ku yaala wadamada caalamka ku baahsan ayaa waxa ku jira dad badan oo Soomaali ah kuwaasoo loo kala heysto dembiyo ay ugu badan yihiin burcad badeednimo iyo argagaxiso, waxaana maalin walba la maqlaa dad soomaali ah oo falalkaas loo xirxiray iyo qaar maxkamado loo soo taagay oo xukuno kala duwan lagu rido, waxaana arimahaas ay keeneen in sumcada dadka Soomaaliyeed ay si weyn hoos ugu dhacdo.