WACDARO CUSUB : Xiddigii badali lahaa Mustaqbalka dhaw Laacibiinta kala ah C.Ronaldo iyo Leo Messi oo Hawada soo galay,* ILIMAN NDIAYE isaga oo socda ayuu kubada Garbaha ku qaataa ,* Yaa Celin doono waaye in la Qalo mooyaanee? (Halkaan ka Daawo Mucjisadaan cusub oo Caalamka ugu hadal heeynta badneed ) !!!
Ma ahan wax ku cusub ciyaaraha kubada Cagta inuu marba Xiddig cusub Hawada soo galo balse markaan waxaa la hayaa ILIMAN NDIAYE oo 10 jir ah waana Senegal iyo Fransiis iska dhal ah. Mucjisada wiilkaan yar waxaa ka qeeyliyey Farsamadiisa yaabka badan ee dhanka kubada cagta ah Laacibiin badan oo laga Xushmeeyo Maslaxaha Ciyaaraha kubada Cagta sida Michael Platini oo hada hogaamiya Xiriirka UEFA,Thierry Henry,David Trezeguet iyo ZinedineZidane .
Wiilkaan yar waxaa la sheegay inu yahay The Next Leo Messi & C.Ronaldo balse xiligii eey yaraayeen Messi iyo C.Ronaldo waxa uu Laacibkaan yar dheer yahay sida uu Canal Plus soo bandhigay isaga oo socda ama lugeenaya ayuu Kubada Garbaha ku qaadan karaa (Waa yaabee sidee Kubada looga dhigi doonaa Nin Garbaha ku sita in la qalo ama Sabaaxad loo kaco mooyaanee?).
Mucjisadaan Yar oo ku nool Dalka Fransiiska waxaa Booskiisa xirtay kooxo faro badan balse waxaa si qaas ah iskugu dhajisay ama Koolo ku noqotay kooxda Fc Barcelona oo dhaq dhaqaaqa ILIMAN NDIAYE ka heshay. Halkaan ka Daawo Wacdaraha ILIMAN NDIAYE >>> http://www.youtube.com/watch?v=9YQRBcb6GlY . Caadi ahaan Kubada cagta ma jirto cid ku dhalatay ineey barato mooyaanee balse waxaa la kala dheer yahay dhanka Nasiibka maxaa yeelay waxaa jira Ciyaartooy qaas ah oo Kubadu iyada raadsata una saamaxda ineey Dunida caan ka noqdaan .Halkaan ka Daawo sida uu -caruurta yar yar u galaayo ILIMAN NDIAYE >>> http://www.youtube.com/watch?v=UqWNP026jw8&feature=related.
Wax yar ka dib filo Warar Sport oo Top News ah .
Halkaan Hoose ka Akhri Ciwaanadii eey Jaraaidyada ka qoreen Mucjisada cusub ILIMAN NDIAYE.
Le nouveau Messi est-il Rouennais ?
Football: le Rouennais Iliman Ndiaye, 10 ans, est-il une future étoile du ballon rond ?