HORROR & NASIIBDARO >> Maxaad kala socotaa maanta oo ku beegan maalintii ay Qaranimada Soomaaliyeed bur burtay uuna biloowday Halaaga Dagaalada ilaa hada socda? (Halkaan ka Daawo Barnaamish Top ah oo ka waramaya Balaayada Dalkeenii ku habsatay).
Maanta oo ku beegan 26-ka bisha Janaayo sanadka 2012 waa Sanad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay maalintii magaalada Muqdisho laga saaray Xukuumadii Kacaanka Soomaaliyeed ee Dawladii Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Shacabka Soomaaliyeed oo riditaankii xilgaas ee Xukaamadii Marxuum Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariiste ku faraxsanaa ayaa taas badalkeeda waxaa dhacday lama arag iyo lama maqal maadaama Colaadii iyo Dagaaladii xiligaas soo biloowday ay maanta weli taagan tahay.
26-kii Bishii Janaayo sanadkii 1991-kii oo eheed markii magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Somalia loogu dhacay ama laga saaray Ciidamadii Milatariga ahaa ee taageerayey Xukuumadii Kacaanka ayaa intaas wixii ka dambeeyay waxa uu dalka Somalia soo maray marxalado kala duwan waxaana inta badan ku dagaalami jiray Jabhado iyo Qabaai´lo kala taageerayey Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliyeed ee ka dilaacay dalka markii meesha laga saaray Xukuumadii Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Caalamka oo wax ka qaban waayey ama ku fashilmay dhibaatooyinka ka taagan dalka Somalia ayaa arinta ugu weeyn ee dhibkaas sababta looga dhigay waxa uu yahay Hubkii oo gacanta u galay Shacabka Soomaaliyeed taas oo sababtay in koox koox iyo Qabiil Qabiil la isku dilo.