Xulka Guinea oo Darsin Goolal ah dhabarka u saaray Qaranka Botuswana & Laacibiinta kala ah Asamoah Gyan iyo Dede Ayew oo Xulka Ghana 6-Dhibcood farta ka saaray (Halkaan ka Daawo Faaqidaada Africa Cup of Nations ).
Waxaa sii xoogeeystay Xiisaha Koobka Qaramada Africa oo gaaray in Goolal badan looga badiyo Xulal kulamadii hore Difaacooda uu Bir ahaa kuwaas oo iminka laga dhaliyay Darsin Goolal ah. Xulka Guinea oo Cyaartii hore ay soo tuntay Maali waxa uu hada ku ciil baxay labo cadna ka dhigay Xiddigaha Botuswana.
Guinea ayaa Botuswana uga badisay 6-1 waxaana Goolashaas dabaaldega ah u kala saxiixay ciyaartooyda kala ah Sadia Diallo Daqiiqadihii 15-aad & 27-aad, Abdoul Razzagui Camara Daqiiqadii 42-aad , Ibrahima Traore Daqiiqadii 45-aad , Mamadou Bah Daqiiqadii 84-aad iyo Goolka ugu dambeeyey oo uu sii raacsaday Ciyaaryahan Naby Soumah Daqiiqadii 86-aad. Xulka Botuswana waxaa Rooso laga siiyey Ciyaaryahan Motsepe Daqiiqadii 45-aad.
Xiddigaha Qaranka Reer Ghana ee kala ah Asamoah Gyan oo u safta kooxda Fc Sunderland iyo Andre Dede Ayew oo isna u Ciyaara kooxda Marseile waxeey quusiyeen Qaranka Maali oo uu horboode ka ahaa Xiddiga Fc Barcelona Seydou Keita .
Xulka Ghana oo qarka u saaran wareega 2-aad ee koobka Qaramada Africa waxeey 2-0 ku suuldaareen Qaranka Maali waxaana Goolashaas u kala dhaliyay Ghana Asamoah Gyan oo Daqiiqadii 63-aad Bilisiyoon dhaliyay iyo Laacib Andre Dede Ayew oo Daqiiqadii 76-aad Gool aad qurux badnaa ka dhaliyay Xulka Maali. Halkaan ka Daawo Ciyaarta Ghana Vs Maali oo aad u adkeed http://www.youtube.com/watch?v=429ZFPAEb4s .
Xulalka Guruub (D) ayaa waxeey u kala horeeyaan qaabkaan waxaana ilaa hada rajo wanaagsan leh Ghana oo 6-dhibcood ku hogaamineeyso Guruubkaan :