Maxaad kala socotaa Taariikhda horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska? Ku biiri Aqoontaada Sport !!
Horyaalka The Premier League ee dalka Ingiriiska magaciisa oo buuxa waa (Barclays Premier League). Marka la soo gaabiyo Gudaha dalka Ingiriiska iyo dalal dhoor ah waxaa looga yaqaan sidan EPL (England Premier League). Xiriirka kubada cagta ee u taliya Horyaalka Ingiriiska waa England Football Association.
Horyaalka England waxaa caadi ahaan ama Sharci ahaan ka ciyaarta 20 Kooxood waxaana horyaalkii la soo dhaafay heeysta kooxda Manchester United oo gudaha dalka Ingiriiska looga yaqaan The Red Devils oo macnaheedu yahay (Shayaadiinta -Cas Cas).
Xiddiga heeysta Taariikhda Gooldhalinta horyalka Ingiriiska ee Premier League waa Alan Shearer wuxuu dhaliyey 260 Gool oo iskoor ah. Alan Shearer kooxaha uu u soo ciyaaray wexeey kala yihiin Fc Southampton,Blackburn iyo Newcastle Utd.
Dhanka Safashada Horyaalka Ingiriiska waxaa Iskoor ku heeysta Ciyaaryahan Ryan Joseph Giggs oo u dhashay dalka Wales una ciyaara kooxda Manchester United . Ryan Joseph Giggs wuxuu Iskoorka Safashada ugu badan ee horyaalka England ku heeystaa (577-kulan). Horyaalka The Premier League ee dalka Ingiriiska kooxda ugu hanashada badan oo heeysta Iskoorka qaadista horyaalkaas waa Manchester United oo Sanadkii la soo dhaafay Jagada kursigaas kala wareegtay Fc Liverpool oo mudo aad u fog ku fadhisay (Man Utd wexeey heeysataa The Premier League 12-jeer). By.Cumar Sii Sii Xiriiriye.com, Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka