African Cup of Nations : Xulka Sudan oo Qaab ahaan matalo Ciyaartooyda Qaranka Somalia & Weeraryahanka Fc Chelsea Didier Drogba oo quusiyey Qaranka Sudan (Daawo Muuqaal+Warbixin)
(Guruub B & Garoonka Malabo) Waxaa been noqotay Saadaashii eheed in Qaranka Ivory Coast uu ku sagoontin doono Xiddgaha Sudan darsin goolal ah. Laacibiinta Ivory Coast oo lagu sheegay in ay Sanadkaan aad u adag yihiin ayaa wexeey kulankoodii ugu horeeyay 1-0 ku suul daareen Qaranka Suudaan.
Ivory Coast wax sidaas ah kama awood badneen Ciyaartooyda Qaranka Suudaan waxaana Daqiiqadii 39-aad ee Ciyaarta qeeybteedii hore Gool Teesto ah ku xaday Difaaca Xulka Suudaan Weeraryahanka Fc Chelsea Didier Drogba ka dib markii uu Paas aad u Qurux badan ka helay Saaxiibkiisa Salomon Kalou oo isna u safta isla kooxda Fc Chelsea.
Xiddiga Fursadaha badan ka qasaariyey Qaranka Ivory Coast wuxuu ahaa Weeraryahanka kooxda Fc Arsenal Gervinho oo daal aad u fara badan uu ka muuqday. Laacibka heeysta Abaal marinta Xiddiga Sanadka ee Qaarada Africa Yaya Toure oo u Ciyaara kooxda Manchester City kulankii Sudan Vs Ivory Coast ma xumeen Ciyaartiisa oo waxa uu ahaa Xiddig shaqo badan oo Dhalinyarada Suudaan ay aad iskaga ilaalinayeen.
Goobaha lagu dhigto Lacagta Qamaarka ah ee ku yaal Wadamada Yurub iyo Asia Dadyoow fara badan ayaa Lacag uga qasaartay ka dib markii ay Lacag ku dhigteen in ugu Yaraan 5-0 looga badin doono Qaranka Suudaan.
Ciyaartooyda Sudan qaab ahaan dhanka Jir-dhismeedka wexeey aad u Shabahaan Xulka Somalia waxaana muuqaal ahaan si weeyn uga dhisanaa Xiddigaha Ivory Coast oo marka ay agtaagan yihiin Laacibiinta Ivory Coast u ekaaday Caruur yar yar (Caato & Laf yaraan) !! Daawo Sudan Vs Ivory Coast http://www.youtube.com/watch?v=i8X6l7shGsk .
Isla Guruubkaan B waxaa iyagana wada Ciyaaray Dalalka Angola Vs Burkina faso waxaana 2-1 ku badisay Agola oo ay Goolasha u kala saxiixeen Ciyaartooyda kala ah Mateus da Costa Daqiiqadii 48-aad iyo Manucho Daqiiqadii 68-aad. Goolka Agoonka ah ee Xulka Burkino Faso oo ahaa Bilisiyoon waxaa u dhaliyay Ciyaaryahan Alain Traore Daqiiqadii 57-aad. Halkaan ka Daawo Burkino Faso Vs Angola http://www.youtube.com/watch?v=U8-en11NhhM.
Guruub B waxaa min 3 Dhibcood wata Ivory Coast iyo Angola oo ka soo kala badiyey Sudan iyo Burkino Faso. Dhanka kale Guruub C galabta waxaa wada Ciyaari doona Xulalka Gaboon Vs Niger balse Ciyaarta ugu kulul caawa saacadu markeey tahay 20.00 Fiidnimo wexeey dhex mari doontaa Qaramada sida weeyn isku neceb ee kala ah Marocco Vs Tunisia.
Wadamada Carabta ah ee ka qeeyb gala koobka Qaramada Africa inta badan weey isku Ciil baxaan aad ayeeyna isku neceb yihiin Taariikh ahaan waxaana dalalkaas ka xusi karnaa Masar, Aljeeriya. Tuuniisiya,Marooko iyo Liibiya.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)!!
W/D Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii)