Faalo : Waa yaabee Xaguu naga soo Salaamay Danny Welbeck ? (Taariikhda Mucjisadaan Cusub) & Warar kii ugu dambeeyey ee WORLD SPORT NEWS : Bacary Sagna oo Fc Arsenal 3 Bilood ka maqnaan doona,*Macalin Claudio Ranieri oo la ganaaxay,* Javier Pastore oo Lacagtii tirada badneed ee PSG xaqeeda guday Lyon-na Dhegaha ka garaacay iyo Warar kale oo Top News ah (Halkaan ka Daawo)
*** Kooxaha waa weeyn ee Caalamka lagama waayo Sanad kasta Xiddig cusub oo dhegaha dadka magaciisa deris la noqda. Hadaba bahda Ciyaaraha kubada Cagta wexeey is weey diinayaan : Waa Yaabee xaguu naga soo Salaamay Laacibka kacsan ee kooxda Shayaadiinta Cas Cas Man Utd waa Ciyaaryahan Danny Welbeck ?
Xiddigaan Magaciisa runta ah waa Daniel Nii Tackie Mensah oo ku magac dheer Daniel Danny Welbeck, wuxuu ku dhashay 26.11.1990-kii Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.
Danny Welbeck Qooyskiisa ama waalidkiisa dhamaan wexeey ka soo jeedaan Qaarada Afrika gaar ahaan dalka Ghana. Danny Welbeck markiisii ugu horeeysay Sanadkii 2005-kii isaga oo jiro 14 sano ayaa waxaa Baraawo ahaan loo keenay Qeeybta Ciyaalka ee kooxda Manchester United balse markii eey Maamulka Man Utd arkeen qaab ciyaareedka Danny Welbeck weey la wareegeen.
Ciyaartiisii ugu horeeysay ee la safo oo la arko Muuqaalka Laacibkaan wexeey eheed 11-kii Bishii Nofembar 2008 isaga oo xiligaas jiray 17-sano. kulankaas ayaa waxa uu ahaa Koobka League Cup oo kooxda Manchester United eey la yeelatay Naadiga Queen Park Rangers waxaana xiligaas 1-0 ku badisay ManU (Goolkaas Agoonka ah waxaa Ciyaartaas Man Utd u saxiixay Carlos Tevez).
4-Maalin ka dib 15-kii bishii Nofembar sanadkii 2008-ka wuxuu badal ku soo galay Ciyaar uu badalay Xiddiga Qaranka South Korea Park Ji Sung wuxuuna durbadiiba Danny Welbeck Ciyaartaas gool ka dhaliyey kooxda Stoke City oo xiligaas looga badiyey 4-0 (Man Utd Vs Stoke City Horyaalka Ingiriiska 4-0).
Bishii Janaayo Sanadkii 2010-ka waxaa Amaah ama Deeyn ahaan loogu diray dhanka kooxda Preston, isla Sanadkaas dhamaadkiisa Man Utd weey soo ceshatay wexeeyna mar kale amaah ugu direen dhanka kooxda Sunderland oo awood ahaan ka balaarneed Preston. Xili Ciyaareedkii la soo dhaafay Sunderland waxa uu u saftay 20-kulan ka dibna u saxiixay (6 Gool).
Macalinka Man Utd Sir Alex Ferguson oo Xiddigaha yar yar u dira Kooxo Jabhado ah si eey ugu soo ad adkaadaan ayaa Xili Ciyaareedkaan wuxuu dib u soo ceshtay Ciyaaryahan Danny Welbeck .
Laacibkaan da´da yar wuxuu ka Ciyaaraa labo boos waana dhanka Weerarka iyo Qadka dhexe oo weerar ah. Xiddigaan Qaranka Ingiriiska waxaa lagu soo daray bishii Oktoobar Sanadkii 2005-kii isaga oo 14 Jir ah balse waxaa loo sii gudbiyey (England U16) . Sanadkii 2007-ka Goolkii guusha ayuu Qaranka England u saxiixay wuxuuna xiligaas ka xareeyey Qaranka Serbia.
Mucjisadii ugu yaabka badneed wexeey qabsatay Ciyaaryahan Danny Welbeck 29-kii Bishii Maarso ee Sanadkaan aanu ku jirno markii Kulankiisii ugu horeeyey ee lagu soo daray Qaranka waa weeynka England uu badal ku soo galay Ciyaar dhex mareeysay England Vs Ghana waxaana Garoonka is qabsaday Foori iyo caay ka imaaneeysay Taageerayaasha Qaranka uu asal ahaan ka soo jeedo Danny Welbeck.
Xili Ciyaareedkaan Danny Welbeck wuxuu noqday cel celis wuxuuna Isbuuc walba kooxda ManU u saxiixaa Goolal aad u Qurux badan halka uu sidoo kale Champions League kulankii ugu dambeeyey Man Utd 2 Gool u saxiixay. Halkaan ka Daawo Goolashiisa Qeeybtiisa 1-aad http://www.youtube.com/watch?v=4Mf7dLO4Svs .
Halkaan ka Daawo Goolashiisa kuwii ugu dambeeyey ee Champions League http://www.youtube.com/watch?v=2jhFZusetUw .
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE DHANKA CIYAARAHA KUBADA CAGTA WEXEEY NAGU SOO GAARAYAA QAABKAAN HOOS KU QORAN :
*** Difaaca Midigta ee Qaranka France iyo kooxda Fc Arsenal Bacary Sagna ayaa Garoomada Caalamiga ah waxa uu ka maqnaan doonaa 3 Bilood oo toos ah. Bacary Sagna ayaa Lugta Midig ka dhaawacmay Ciyaartii Premier League ee dhexmartay Londoner-Derby waa Tottenham Vs The Gunners Fc Arsenal (2-1) waxaana lagu wadaa in maanta oo Talaado ah Qaliin lagu sameeyo.
*** Macalinka kooxda Inter Milan ee Horyaalka Talyaaniga Mr.Claudio Ranieri waxaa la ganaaxay hal kulan oo ka tirsan Horyaalka Talyaaniga. Claudio Ranieri ayaa lagu heeystaa inuu caay ku asqeeyey Garsoorihii dhex dhexaadinayey kulankii Inter Vs Napoli (0-3) . Claudio Ranieri oo ka xanaaqay Rooso la siiyey Xiddiga Qadka dhexe ee Qaranka Nigeria iyo Inter Milan Joel Obi ayaa waxa uu goostay fariinka ka dib markii uu si toos ah u caayey Alabiitarihii Ciyaartaas Mr.Rocchi.
Xiddigii hore ee kooxaha Ajax Amsterdam, Fc Barcelona iyo Fc Liverpool Jari Litmanen ayaa isaga oo 40 sano jir ah waxa uu markii ugu horeeysay ku Guuleeystay Horyaalka dalka Finland.
Jari Litmanen waxa uu Horyaalka Finland ee Veikkausliiga kula guuleeystay kooxdiisa HJK Helsinki oo 2-0 ku soo garaacday kooxda Mariehamn xili uu Horyaallkaas ka harsan yahay 5-kulan oo kaliyah. Jari Litmanen wuxuu horay 4-jeer Horyaalka Holland ula soo qaaday kooxda Ajax Amsterdam halka uu mudo dheer ka mid ahaa kooxaha Primera Division FC Barcelona iyo Premier League FC Liverpool .
*** Horyaalka Faransiiska waxaa is xoreeyey oo Xaqii iyo Lacagtii faraha badneed ee laga soo baxshay kooxdiisa u guday Xiddiga Reer Argentina Javier Pastore . Laacib Javier Pastore oo xili ciyaareedkaan cusub kooxda Paris SG kaga soo iibsatay Balermo 43 Milyan oo Euro wuxuu kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyey u dhalinayey Goolal muhiim ah sida Ciyaartii ugu dambeeysay oo uu sabab u ahaa ineey 2-0 ku tumaan kooxda Qabqablaha ka ah Horyaalka dalka Faransiiska waa Lyon.
Javier Pastore iyo kooxdiisa Paris SG hada wexeey Horyaalka Faransiiska ku hogaaminayaan 20-dhibcood halka Lyon eey ka leedahay 17-Dhibcood. Halkaan ka Daawo Ciyaarta http://www.youtube.com/watch?v=nIvuD5B1hwI
*** Dhanka kale waxaa weli Xabsi ku xanuunsanaya Difaacii Reer Brazil iyo Kooxda Fc Bayern Munchen Breno Vinicius Rodrigues Borges .Xidddigaan waxaa dhibaato iyo Maseeyr aan horay loogu arag Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta ku beertay Xaaskiisa Haweeneeyda lagu magacaabo Rinate. Ciyaaryahan Breno Vinicius Rodrigues Borges ayaa xili uu Xanaaq daran qaaday waxa uu Qarxiyey Gurigiisii oo ku yaalay magaalada Munich ee dalka Germany in kastoo kiiskiisa eey si weeyn iskugu xilqaameen soo deeyntiisa Laacibiin eey ka mid yihiin Frank Bilal Ribery, Arjen Robben iyo Bastian Schweinsteiger.
Halkaan ka Daawo Xiddigaan sida uu Gurigiisa u Qarxiyey ka dib markii eey xaaskiisa Rinate oo 2 Caruur ah u heeyso eey ugu hanjabtay ineey Hantidiisa Nin kale ku Guursaneeyso . Yaaaab Halkaan ka Daawo bal dhibka dhacay >>> http://www.youtube.com/watch?v=55eLVRB1Gko
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com