David Silva" Dhibka heeysta Carlos Tevez ma ahan mid yar maxaa yeelay Labadii isla hadasha waxa uu leeyahay aniga ayeey i Xamanayeen,, (David Silva oo Carlos Tevez Bahdilay : By Spain ETB Sat) !!!
Xiddiga Man City iyo Qaranka Reer Spain David Josue Jimenez Silva ayaa Wareeysi uu siiyey Tv-ga caanka ah ee Spain ETB Sat oo laga leeyahay dalka Spain waxa uu seey tahay u Bahdilay Weeraryahanka Qaranka Argentina iyo Kooxda Manchester City Carlos Alberto Tivez.
Wareeysigaan oo aad u dheeraa waxaa ugu Xiiso badnaa mar la weey diiyey Silva waxa ka jira Carloz Tevez oo mudo 2 Bilood ka hor Xanjo uu ruugayey Wajiga kaga Tufay Laacib David Silva?
Ciyaaryahan David Josue Jimenez Silva oo Ficilkaas xun qirtay waxa uu yiri sidan "Waa sax weey jirtay arinkaas laakiin inaan hada ka hadlo ma doonayo maxaa yeelay waxaa si deg deg ah ku xaliyey Maamulka Man City,,
Xiligii uu Carlos Tevez Xanjada uu ruugayey Wajiga kaga tufay David Silva waxa uu ku eedeeyey inuu Silva Masuul ka ahaa amaba uu ku diray inta badan Laacibiinta kooxda Manchester City oo hadalkii ka goosatay Weeraryahan Carlos Alberto Tevez.
Ciyaaryahan David Josue Jimenez Silva oo mar kale ka Jawaabay Su´aashaas kulul maadaama lagu eedeeyey inuu qoorta isku galiyey Ciyaartooyda Man City iyo Weeraryahan Carlos Tevez waxa uu yiri isaga oo qoslaya sidan " Dhibka heeysta Carlos Tevez ma ahan mid yar maxaa yeelay Labadii isla hadasha waxa uu leeyahay aniga ayeey i Xamanayeen waana Cuqdad Nafsi haya isaga, Jinni iyo Cudur ceeynkaas ah intaan Ciyaaraha Kubada cagta ku soo dhex jiray waligeey ma arkin,,
Buufiska iyo Xanaaqa faraha badan ee lagu shabadeeyey Weeraryahan Carlos Alberto Tevez waxaa sidoo kale Maqaalo fara badan ka qoray Jaraaidka dalka Ingiriiska oo qaarkood Ciyaaryahan Tevez ku tilmaamay inuu mudo dhoor Bilood ah Maskax ahaan fadhin.
Weeraryahan Carlos Alberto Tevez wuxuu kooxda Manchester City ka yahay Beec balse waxaa diidan kooxo fara badan oo ku rabo kaliyah ineey Amaah ku qaataan kuwaas oo doonaya marka uu Buuq iyo Dagaal ku biloobo ineey dib ugu soo celiyaan kooxda Man City.
Kooxda Kaliyah ee ilaa iyo hada rabta ineey si toos ah ula wareegto Ciyaaryahan Carlos Tevez waa Naadiga Horyaalka dalka Faransiiska hogaanka u haya ee lagu magacaabo Paris Saint Germain waxaana kooxdaan Macalin u noqday dhawaan Tababare Carlo Ancelotti.
Hadalada David Silva midkii ugu Yaabka badnaa ee Dadka ka qosliyey waxa uu ahaa mar uu Carabka ku dhuftay sidan " Waa Jiro Xun Dad wada hadlaayo hadii uu Jiniga kuu tuso ineey adiga ku xamanayaan,,
Hadalkaas waxaa kaaga muuqdo inuu Carlos Tevez Qac yahay oo labadii wada hadleeysaba leeyahay aniga ayeey i Xamanayeen .Jaraaidka Mirror Sport ee ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa uu horay u faafiyey magacyada Laacibiinta hadalka ka jaratay Carlos Tevez kuwaas oo uu ku sheegay Xiddigaha kala ah Yaya Toure,Samir Nasri, David Silva ,Edin Dzeko iyo Kaptan Vincent Jean Mpoy Kompany.
Laacibka uu Jaraaidka xiligaas ku sheegay inuu ku dheel dheelo Tevez ama labada dhinacba ka tirsan waxa uu ku shabadeeyey Ciyaaryahan Mario Baruwah Balotelli the life and times of Manchester City's Italian bad boy.
Ugu dambeeyntii wax la sugaaba waa Jawaab kulul oo ka timaada dhanka Weeraryahan Carlos Alberto Tevez oo lagu tiriyo Xiddigaha ugu Xanaaqa badan Maslaxa Ciyaaraha Kubada cagta weliba ugu Aflagaadada ama Caayda xun.