Maxaad kala socotaa Ciyaartooyda Caalamka ugu caansan iyo Gawaarida Shirkadaha eey kala xiiseeyaan? ,* Ku biiri Aqoontaada Sport,* + Warar kale oo News ah (Halkaan ka Daawo Laacibiinta & Gawaaridooda oo dhoor Muuqaal aan idin kaga soo xulnay !) .
Dooqa Ciyaartooyda ugu caansan Caalamka ayaa waxa uu noqday mid si weeyn u kala duwan laguna kala doortay Gawaari nuucyo kala duwan leh.
Ciyaartooyda Muuqaalkooda iyo Gawaaridooda la soo bandhigay wexeey intooda badan xiiseeyaan Gawaarida Qaaliga ah halka qaar eey ka doorteen Gawaari aan sidaas Qaali u aheeyn marka la eego Mushaarka eey Qaataan.
Waxaa sidoo kale kala duwan oo la isku mari waayey Shirkadaha soo saara Gawaarida oo noqday kuwo eey Laacibiinta inta badan insha ku hayaan ama ka iibsadaan Gawaarida eey soo saaraan waa hadii eey u arkaan mid Raaxo ama mid dooqiisa Isha ka tuuray.
Inta badan Ciyaartooyda wexeey si aad ah u Jecel yihiin Gawaarida Muraayadaha midabada ama Kalarka kala duwan leh wata kuwaas oo xiliyada eey Magaalooyinka dhex marayaan iskaga Qariya Taageerayaasha iyaga Taageersan ee Mashquuliya ama kuwa Neceb oo marka eey arkaan Tuuryo iyo Caay raaxada uga qaada ama Faduul iyo Qash qashaad la daba kaca.
FIIRO GAAR AH: Ciyaartooyda xili walba ama marka eey koox kale u wareegaan ama uu soo baxo Gaari cusub intaba weey badashaan ama nuuc kale oo kii hore aheeyn ayeey soo iibsadaan inkastoo Ciyaartooyda caanka ah eey inta badan helaan Gawaari Bilaash ah maadaama Shirkada siiso eey ka dooneeyso only Xayeeysiintaas oo kaliyah iyo Gaarigeeda oo Ciyaar hebel uu wato..
Halkaan ka Daawo Nuucyada Gawaarida Ciyaartooyda Qeeybta 1-aad : http://www.youtube.com/watch?v=8XJoruB_JtQ .
Halkaan ka Daawo Qeeybta 2-aad http://www.youtube.com/watch?v=UonKKAzr_vc .
Halkaan ka Daawo qeeybta 3-aad http://www.youtube.com/watch?v=8g9vr09kvFw&feature=related .
Halkaan ka Daawo Qeeybta 4-aad http://www.youtube.com/watch?v=vLzudGsuQkg&feature=related .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com