Dhalinyaro u dhalatay Yurub iyo Brazil oo Waqtigooda ku dhumiyey barashada Dhaantada Soomaaliyeed & Dhalinyaradaan oo soo bandhigtay muuqaal ay ku diidan yihiin in Calanka Soomaalyeed dhulka la dhigo.
Calanka Ceeymi Ciil badanaa yaa na ceebeeyoo Ceebtaan dhigay ha cidleeynin Calanka Cirka geeya waa midab wacan oo Ceynba Ceyn ah. Mirahaas iyo kuwo kasii kululba waxaa Dhaantada Soomaaliyeed ku barta Dhalinyaro fara badan oo u dhalatay Qaarada Yurub iyo dalka Brazil.
Dhalinyaradaan oo Waqti fara badan ku dhumisay barashada Dhaantada Soomaaliyeed oo ay aad iyo aad uga heleen ayaa wexeey ugu dambeeyntii soo bandhigeen Muuqaal ay ku diidan yihiin in Calanka Somaliyeed marnaba Dhulka la dhigo.
Muuqaalka Dhalinyaradaan iyo wacadaraha ay la soo baxeen ayaa waxaa laga daawaday Albumka cusub ee la magac baxay CALANKA CEEYMI DHUUX IYO DHAANTO oo lagu soo aadiyey Sanadka cusub ee 2012.
Dhalintaan Dhaantada Soomaaliyeed jecleeysatay ayaa wexeey Shacabka Soomaaliyeed hawada u soo mariyeen in Dalka Somalia sanadka 2012-ka Nabad ilaahey uu ugu deeqo waliba Calankooda marnaba aysan ogalaan in Dhulka la dhigo ama la iloobo Midabkiisa wacan ee Cirka iyo Xiddigta ka sameeysan.
Halkaan ka Daawo Dhalinyarada Dhaantada Soomaaliyeed Caashaqday ee mar kasta isku dayda ineey barataan iyo Dhalinyaradaan oo Calanka Somalia in Dhulka la dhigo Dagaal ka xigta http://www.youtube.com/watch?v=aSGbRfMtvas