Messi DaŽbaal waa yaqaan been dheh,* Messi DaŽbaal ma yaqaano sidoo kale Been dheh,* Leo Messi oo ku jira Ebid Raxaadii iyo Qosolkii Nolashiisa soo martay,* Messi ma Qoslo Been dheh (Halkaan ka Daawo War bixin Sir ah oo Xiriiriye.com uu soo helay iyo Taageerayaasha Cristiano Ronaldo oo markooda dharka ka dhigay Ceebna dusha ka saaray Laacib Leo Messi) !!
Xiddiga Qaranka Argentina iyo kooxda Catalonia Fc Barcelona Lionel Andres Messi ma ahan Laacib inta badan Qosla marka laga reebo xiliyada uu Koobabka muhiimka ah qaado iyo sidoo kale marka uu kooxdiisa Goolasha u dhaliyo.
Xiddigaha ka qosliya inta badan Laacib Leo Messi ama ka Qosol siin karta waa la yaqaanaa oo waa Laacibiinta kala ah Xavi Hernandez, Carles Puyol, Gerard Pique , Eric Abidal iyo Sergio Busquets . Dhamaan xiddigahaan oo Fc Barcelona u ciyaara inta badan Shaashada Telefishinada waxaa laga Daawadaa iyaga oo la fara kaciyaaraya ama La Kaftamaya Laacib Leo Messi.
Dhanka Qaranka Argentina Leo Messi wexeey is fahmaan ama is Dabeecad yaqaanaan oo inta badan dhanka Qolalka wada degaan marka eey u Safraan Ciyaaraha Caalamiga ah 2 Xiddig oo kaliyah waana Weeraryahanka kooxda Man City Sergio Leonel Kun Agüero del Castillo oo qaba Gabadha Diego Armanda Maradona iyo Kaptanka kooxda Inter Milan ee Horyaalka Talyaaniga Javier Zanetti .
Leo Messi aad ayuu u xir xiran yahay waana Dadka aan warka badneeyn ee u dhashay aamusnaanta iyo Xirnaanshaha wuxuuna taas si weeyn kaga duwan yahay Ninka eey ku tartamaan u Talinta Maslaxaha Ciyaaraha kubada Cagta waa Cristiano Ronaldo oo lagu sheegay Shaqsi foorjo badan oo Ciyaartooyda inta badan Kaftanka la raadsada.
Leo Messi Cadawgiisa 1-aad ee Caalamka wexeey ku xoogan yihiin dalka Portugal oo uu ka soo jeedo Cristiano Ronaldo halka Cadawgiisa 2-aad kuwa ugu balaaran eey ku nool yihiin magaalada Madrid ee Caasimada dalka Spain (Taageerayaasha Real Madrid).
Labadaan Cadaw oo isku baheeysatay sidii eey Leo Messi Sharaftiisa iyo wax walba oo wanaag ah ee uu suubiyo dhulka ula gali lahaayeen ayaa run ahaantii hadaad booqato Web-seetyada eey leeyihiin Mucaaradkaan waxaad ku soo arkeeysaa Caay, Xifaalo, Kaftan iyo Fadeexo tii ugu darneed oo loo geeystay Laacib Leo Messi.
Arinta ugu yaabka badan wexeey tahay Mucaaradka Leo Messi (Taageerayaasha Cristiano Ronaldo) wexeey mar kasta ku faanaan ama soo Sawirtaan wax yaabaha uu Leo Messi kaga liito ama uga xun yahay Laacib Cristiano Ronalado.
Inta badan Caayda ama Dacaayada eey Leo Messi u isticmaalaan wexeey tahay iyaga oo soo Sawiro Leo Messi oo aad uga gaaban Cristiano Ronaldo weliba heeysta Gacmaha isaga oo kor u fiirinaayo. Sidoo kale wexeey Daacaayad raaxada uga qaadeen Gabadha/Inannta lagu magacaabo Antonella Roccuzzo oo ah Jaceeylka Leo Messi kuwaas oo soo Sawiray iyada oo Alaabta u dhaqeeyso Lamanaaha ama Jaceeylka Cristiano Ronaldo waa Haweeneeyda lagu magacaabo Irina Shayk.
Daacaayada ugu Xiisaha badan uguna hadal heeynta badan wexeey tahay Laacib Leo Messi DaŽbaal meel laga maro ma yaqaan . Hadaba sidee lagu rumeeysan karaa hadalka Mucaaraadka Laacib Leo Messi? .
14.3.2009 xili uu Messi Hoppy-giisa ka waramayey wuxuu Skysport u sheegay inuusan Jecleeyn DaŽbaasha xad dhaafka ah balse badalkeeda uu aado xiliyada Firaaqada Sports kale sida Ciyaarta Tenns-ka Bilayaardiga iyo Volleyball-ka.
Leo Messi tan iyo markii uu la Saaxiibay Jaceeylkiisa Antonella Roccuzzo wuxuu isku badalay Xiddig jecel dhanka DaŽbaasha oo mararka qaar Lamaanihiisa Antonella Roccuzzo u raaco goobo lagu DaŽbaasho.
Intaas kuma harin Taageerayaasha Cristiano Ronaldo kuwooda sida weeyn u Neceb Leo Messi oo waxa eey soo bandhigeen Meesi oo mar kaste ku DaŽbaasho meel Xeebta afkeeda hore ah ama Biyaha uu ku DaŽbaasho Leo Messi eey yihiin Biyo ugu joogo ilaa Jilbaha (Yaab) !!
Taageerayaasha Halgame Cristiano Ronaldo wexeey leeyihiin Caalamka waxaa caadi ka ah in Qofka aan DaŽbaasha si wanaagsan u aqoon hadii uu tago meel Biyaha eey ka dheer yihiin ama ka tan badan yihiin waa in loo galiyo Jaakadaha la iskaga ilaaliyo in la Biyo cabo.
Ugu dambeeyntii Barnaamishka Faaladaan waxaanu maanta idinkugu heeynaa Raaxo iyo Qosol aan kala goŽlaheeyn oo eey ku jiraan Leo Messi iyo Jaceeylkiisa Antonella Roccuzzo. Maxaad kala socotaa waxa eey sameenayaan ? !!! Wallee wax yar ma ahan waxa Leo Messi aad uga Qosliyey ee Halkaan ka Daawo Baashaalkaan >>> http://www.youtube.com/watch?v=11RSYjv1ReM .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka) !!