YAAB : Yaxaas lagu sheegay inuu Cuni jiray Masaska yar yar oo ku qaldamay Mas weeyn iyo Yaxaaskii oo isagii la laqay (Daawo Mucjisadaan)
Soomaalida wexeey ku maah maahdaa Shimbirtii biib biib badan Af Libaax ayeey dalaq tiraah. Yaxaas lagu sheegay inuu mar walba Cuni jiray ama ka dhergi jiray Masaska yar yar ee Kobraha loo yaqaan ayaa waxa uu ku qalday Masaskii uu Cuni jiray Mas weeyn oo nuuca Anacoda loo yaqaan ah.
Caqli xumada uu sameeyey Yaxaaskaan oo ahaa nuuca Wabiyada ku nool ee Caalamka looga yaqaan Caiman ayaa markii uu arkay Maska weeyn wuxuu muuday ama hoos u galay Biyaha Wabiga si uu hal mar Qaniinyo u qabad siiyo Maska Anaconda balse taas ma dhicin oo Riyadii Yaxaaska wexeey isku badashay in isagii inta la isku duubo oo Neefta laga qariyo ka dibna lagu Casheeyo.
Yaxaaskaan ayaa markii uu Biyaha hoos u galayey ama rabay inuu weerar soo qaado waxaa si toos ah ula socday Maska Anaconda oo indhihiisa Kaamerada qabatay xiligii uu isku diyaarinayey kala jabinta Yaxaaskaan horay u soo quudan jiray Masaska yar yar.
Mucjisooyinka Caalamka ugu yaabka badan iyo Xayawaanaadka is ugaarsada wexeey inta badan ka dhacaan Dalalka Venezuela iyo Brasil oo ay ku nool yihiin Bahlada halista ah sida Maska mucjisada ah ee ANACONDA.