Masar oo lagu baaba´ay iyo Shacabkii uu kala ilaalin jiray Xusni Mubaarak oo Nolasha isku gubay (Halkaan ka Daawo Taageerayaashii Masaarida oo is laayay)
Horaa loo yiri Dawlad la´aan waxaa dhaanta Dawlad xun,Madaxweeynihii hore ee dalka Masar Mr.Xusni Mubaarak oo lagu tirin jiray inuu ahaa Madaxweeyne macangag ah oo xukunka dalkaas diiday inuu ka dago mudo aad u fog ayaa iminka markii uu booskaas baneeyay waxaa soo baxay dul duleel iyo ceebo fara badan oo ka dilaacay dalka Masar.
Dhanka Amniga intii uu joogay Xusni Mubaarak waxa uu ku dhigay gacan bir ah, tan kaliyah ee lagu heeystay waxeey eheed kaligiis taliyenimo iyo Talada dalkaas oo uu isku dhajiyay. Dalka Masar waxaa ka dhisan Kooxo aad u fara badan oo leh Taageerayaal xoogan kuwaas oo si weeyn isku neceb.
Ceeb iyo Fadeexo aad u qaab daran ayaa waxeey ka dhacday Garoonka Port Said oo ay ka socotay Ciyaar u dhaxeeysay kooxaha Al Ahli Vs Al Masri. Taageerayaasha labadaan kooxood oo si weeyn isku neceb waxeey ku soo yaaceen Garoonka dhexdiisa waxaana dhacday ineey hal hal isku Dilaan.
Hischam Schiha oo u hadlay Wasaarada Caafimaadka dalka Masar waxa uu sheegay Dhimashada ineey sii caga-cageeneeyso 76-qofood halka Dhaawaca uu kor u dhaafay Kumanaan. Hischam Schiha ayaa xaqiijiyay Taageerayaasha is laayey ama is dhaawacay ineey intooda badan waxyeelada iska gaarsiiyeen dhanka Madaxa taas oo sii murjisay ama badisay Qasaaraha labada dhinac.
Garoonka Port Said iyo goobaha ku dhaw dhaw-ba waxaa Dhaawacyada looga daabulayay Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helikobtarada. Dhimashada iyo Dhaawaca ayaa saacad walba intaas ka sii badan karta maxaa yeelay waxaa Guryahooda loo qaaday Taageerayaal qaba dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray Dhalooyin Baasiin iyo Qaraxyo loo is ticmaalayey.