Koobkii Qaramada Africa oo beri furmi doona iyo 16-Dal oo Sanadkaan iskugu soo haray, Yaa looga cabsi qabaa inuu qaado African Cup of Nations 2012 ?.
Waxaa lagu wadaa Maalinta beri ah inuu ka furmo dalalka Gabon iyo Equatorial Guinea Koobkii Qaramada Africa ee xili Ciyaareedkaan (African Cup of Nations 2012 ). Koobka Qaramada Africa waxaa Sanadkaan ka qeeyb galaya 16-Dal kuwaas oo kala ah Ivory Coast, Ghana, Senegal, Tunisia, Marocco, Mali, Burkina Faso,Guinea, Gaboon,Liibia, Sudan, Angola, Niger,Sambia, Botuswana iyo Equatorial Guinea.
Wadamadaan ayaa waxaa loo kala qeeybiyey 4-Guruub kuwaas oo Nasiib ahaan iskugu aaday qaabkaan:
GURUUB A :
Senegal
Sambia
Liibiya
Equatorial Guinea.
GURUUB B :
Ivory Coast
Burkina Faso
Angola
Sudan
GURUUB C :
Marocco
Tunisia
Gaboon
Niger
GURUUB D :
Ghana
Mali
Guinea
Botuswana
Sanadkaan waxaa si La yaab ah uga haray koobka Qaramada Africa Dalal dhanka Ciyaaraha Kubada cagta lagu ciseen jiray kuwaas oo Taariikh ahaan waligood hor boodayaal ka ahaan jiray Koobkaan waxaana ka mid ah Wadamada is reebreebkii lagu soo reebay Dalka Masar oo difaacan lahaa Koobkaan iyo Wadamada kala ah Nigeria,Cameroon iyo South Africa.
Koobka Qaramada Africa ee African Cup of Nations 2012 waxaa Sanadkaan loo saadaaliyey inuu mid kood u gacan geli doono dalalka kala ah Ivory Coast, Ghana,Senegal, Tunisia , Marooko ama Xulka Maali oo isna la dhaleeysan karin.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)!!
FILO GOOR DHAW LAACIBIINTA UGU CAANSAN EE KA QEEYB GALEEYSA KOOBKA QARAMADA AFRICA 2012.
W/D Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii)