EL CLASICO : Kooxda Fc Barcelona oo iska baratay Real Madrid iyo Xiddigaha Real Madrid oo soo bandhigay Naceeybka ay u qabaan Ciyaaryahan Lionel Messi (Faalo+Halkaan ka Daawo).
(El Clasico) Kulan adag oo ka tirsan Koobka dalka Spain ee Copa Del Rey ayaa waxa uu dhex maray Wajigisii hore kooxaha ifka iskugu neceb ee lagu kala magacaabo Los Blancos (The Whites) Real Madrid Vs Catalonia Fc Barcelona.
Ciyaartaan oo eheed mid aad u udag kana dhacday Garoonka kooxda Real Madrid ee Santiago Bernabeu ayaa waxaa Biloowgii Ciyaarta Gool aad u Qurux badan laga xareeyey kooxda Fc Barcelona waxaana Goolkaas u saxiixay kooxda Real Madrid Laacibka Qaranka Portugal Cristiano Ronaldo oo Paas aan caadi aheeyn ka helay Weeraryahanka Qaranka France Karim Benzema.
Ciyaarta Qeeybteedii hore oo 1-0 lagu kala nastay wexeey sheekada is badashay Qeeybtii 2-aad ee Ciyaarta ka dib markii Real Madrid Goolkii Agoonka ahaa loogu badalay Hal Jar Labo (1-2). Goolasha kooxda Fc Barcelona ku badisay waxaa u kala Saxiixay Difaaca kooxdaas ee kala ah Carles Puyol oo kubad Koorno ah ka helay Xavi Hernandez Daqiiqadii 49-aad iyo Eric Bilal Abidal oo Paas aad macaan ka helay Leo Messi Daqiiqadii 77-aad.
Macalinka Kooxda Real Madrid Mr.Jose Morinho oo dhoor cisho ka hor u dhaartay kooxda Fc Barcelona dhaartaas ama faankaas waxa uu noqday Ri´is nuugtay maxaa yeelay Macalin Morinho 9-Kulan oo uu Fc Barcelona Ciyaar kala hor tagay waxa uu ka badiyey 1-kulan oo kaliyah,3-jeer Bareejo ayuu la galay halka 4-Jeer dhibcaha laga tirsaday.
Dhanka kale Macalinka kooxda Fc Barcelona Josep Guardiola wuxuu u dabaaldegay Sanadguuradiisii 41-aad kaas oo la arkayey isaga oo faraxsan maadaama uu Garoonka kooxda Real Madrid Santiago Bernabeu ka baxay isaga oo aan weli looga badin intii kulan ee uu wajahay kooxda Los Blancos Real Madrid.
Is araga 2-aad ee Koobka dalka Spain (Copa Del Rey) ayaa lagu wada inuu Isbuuca dambe ka dhaco Garoonka halista ah ee inta badan lagu Qararamsado kooxaha waa weeyn waa Camp Nou oo ay ka talyaan Catalonia Fc Barcelona.
Ciyaartaan intii ay socotay waxaa Garoonka ka dhacay Ficilo muujinaya Naceeyb aad u daran oo ay isku qabaan Ciyaartooyda labadaan kooxood sida Cesc Fabregas Vs Habi Alonso iyo Pepe oo lagu wado in ganaax loo jaro maadaama uu si ula kac ah Gacanta qeeybta faraha uga istaagay Leo Messi waxaana sidoo kale Naceeybka Messi qarsan waayey Difaaca Qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid Fabio Alexandre da Silva Coentrao oo Messi Madaxa ka riixay xili uu Messi ka sugayey inuu Gacan u dhiibo ama dhulka ka soo istaajiyo !!.