La Yaab: Maxaad ka taqaan Goolhayaha Dunida ugu qaabka daran, Halkaan k Daawo isaga oo qalad uu sameeyey dartiis funaanadii kooxdiisa dhulka ku turay weliba ciyaartii oo socoto Garoonka isaga baxay !
Khalid Askri oo u ciyaara kooxda kubada cagta ee FAR Rabat oo ka dhisan horyaalka dalka Morocco ayaa waxa uu noqday Goolhaye si weeyn 3-isbuuc gudahood uga xanaajiya dhamaan bahda kubada cagta ee dunida ku nool.
Khaalid Askri ayaa waxaa horumarkiisa Sport dhaafiyey fudeed iyo isla weeyni aan horay nuuciisa loogu arag ciyaaryahan sidan wax u qarbuda. 3-isbuuc ka hor ayey eheed markii Rigoore inta laga dhigay ka dibna uu qabtay Rigooradii balse waxaa dhaafiyey Rigooradaas fudeed iyo isla weeyni isaga oo kubadii uu qabtay isaga dhaqaaqay si uu u dabaal dego balse Kubadii oo socota ayaa shabaqa dalaq ku tiri maadaama uu dabaal deg been ah isku mashquuliyey. Mucjisada iyo la yaabka ugu weeyn ayuu mar labaad isbuucaan sameeyey ka dib markii difaaca kooxdiisa ciyaaryahan ka tirsan uu u daayey kubada balse Khaalid Askri oo iska shuudi kara iskana bixin kara ayaa waxaa ka dafay weeraryahankii ka soo horjeeday kaas oo ku hubsaday shabaqa.
Ciyaartooyda kooxda FAR Rabat oo qaladkiisa faraha badan u sheegay ka dib waxa uu sameeyey Khaalid Askri wax aan weli lagu arag ciyaaraha caalamiga ah ee horyaalada Dunida isaga oo garoonkii isaga baxay Funaanadii kooxdana ku dhex tuuray garoonka dhexdiisa maadaama uu ka xanaaqay sidee qalad keeyga la iigu sheegi karaa !