1984-tii ka dib Xulka heeysta Koobka Qaramada Yurub kuna darsaday Koobka Addunka ee Spain oo Guriga Scotland caawa inuu Guul kala soo laabto doonaya & Warar kale.
1984 ayaa ugu dambeeysay xulka Qaranka Spain in eey ku soo guuleeystaan Magaalada Glasgow ee xarunta wadanka Scotland. Macalinka Qaranka Scotland Craig Levein ayaa sheegay maanta in gurigooda eey yihiin Darbo dhisan, weeyna adagtay sidii eey Darbigaas caawa Spain u jebin lahaayeen ayuu yiri Tabaraha, wuxuuna sii raaciyey hadal kiisa in Bareejo eeysan caawa dooneeyn balse guul uun eey u cadahay. Scotland vs pain ayaa ciyaaraya sacaadu markeey tahay caawa 20:30 waana ciyaarta ugu kulul ee ka mid ah ciyaaraha caawa dhacaya.
**Dhanka kale Tababaraha Xulka yaraanta badan ee Montnegro oo aan sidaas loo sii aqoon balse 9-dhibcood ku hogaaminaya Guruubka eey kula jiraan xulka England Zlatko Kranjcar ayaa sheegay isaga oo u waramayey Sky-Sport xili eey isaga iyo kooxdiisa Shoping ku jireen iyaga oo jooga dalka England in eey doonayaan caawa ugu yaraan 1 dhibic balse eeysan Ingiriiska u imaan Shoping oo kaliyah, warka Tababaraha ayaa ka yaabiyey bahda ciyaaraha maadaama isaga iyo kooxdiisa xiligii la wareeysanayey eey ku jireen Baashaal iyo dhar iibsasho dukaamada England ah.
** Ciyaartii Saaxiibtinimo ee dhex martay wadamada Brazil vs Ukrain ayaa ku soo dhamaatay 2-0. xulka Brazil oo xiligaan si weeyn isku soo adkeeyey doonayana inuu Rekord ku qaado Koobka Addunka ee soo socda oo gurigooda lagu qaban doono ayaa waxaa goolasha u kala saxiixay Xiddiga Barcelona Dani Alves iyo Xiddiga AC Milan Alex Pato.
OGEEYSIIS: waxaa bilaabmay Barnaamish la magac baxay (Xiriiriye & Xiriirka Dadweeynaha) , wuxuuna Akhriste kasta iyo bahda www.xiriiriye.com ku xiran soo bandhigi karaan Ciyaaryahanka uu taageero iyo sababta uu ku taageeray ka dibna waxaanu soo bandhigeeynaa Taariikh nololeedka Ciyaaryahan-kaas oo dhameeystiran weliba wadata Video-daawasho ah iyo Sawiro cadeen ah. Halkaan noogu soo dir Ciyaaryahanka aad Taageerto iyo sababta aad ku taageertay iyo Magacaaga oo sadexan. xiriiriyesports@hotmail.com inaguna waxaan soo bandhigi doonaa haduu alle idmo Taariikhda Laacibkaas & magacaaga oo Sadexan iyo weliba sababta aad ku taageertay. Mahadsanidiin.