10-Sano ka dib maxaad ka xasuusataa Weeraradii halista ahaa ee lagu qaaday World Trade Centers ee magaalada New York City & Xaruntii Pentagon-ka .Daawo dhibka dhacay (By Yaxye Yare New York)
(11.9.2011) Maanta waa sanadguuradii 10 aad ee ka soo wareegtay maalintii la weeraray Sarihii Ganacsiga Dunida ee World Trade Centers (WTC) iyo Xaruntii Gaashaandhiga Mareeykanka waa Pentagon-ka oo ku taalay magaalada Washington, D.C.
11.9.2001 Saacadu markeey eheed 8.46 Daqiiqo waxaa Diyaarad lambarkeedu uu ahaa Boeing 767 American Airlines laga dhex baxshay mid ka mid ah Saraha dhaa dheer ee World Trade Centers oo ku tiilay dhanka waqooyi ee magaalada New York.
Diyaarada 1-aad waxaa saarneed oo lagu soo afduubay Rakaab ka koobnaa 92-qof oo iskugu jiray Rag,Dumar & Caruur.Qaraxii koowaad ee Sarahaas ganacsiga Dunida qof kasta waxa uu niyada ku hayey ama u maleenayey ineey tahay shil dhacay iyo Duuliye soo jahwareeray.
Saacadu markeey eheed 9.04 Daqiiqo waxaa si xaawli ah hawada ku soo gashay Diyaaradii 2-aad oo magaceeda lagu sheegay Boeing 764 American Airlines wexeeyna xambaarsaneed Rakaab lagu sheegay 65-qof.
Diyaarada 2-aad durbadii waxaa lagu duqeeyey Sartii 2-aad ee Mataanihii World Trade Centers (WTC) waxaana durbadiiba dadka iyo Dawlada mareeykanka u cadaaday in arintu Shil eheen balse uu yahay Qaraxyo is miidaamin ah.
9-10 Daqiiqo waxaa Tv-ga ka hadlay Madaxweeynihii dalka Mareeykanka ee xiligaas Mr.Geoarg W. Bush oo shaagay in xaaladu xun tahay waxa iyaga soo weerarayna eey tahay Argagixiso. Qaraxa 2-aad wuxuu hakiyey oo qariyey Gurmadkii loo fidinayey Qaraxii 1-aad kaas oo arinta ka dhigay isku dhex yaac iyo ineey dad badan oo Dhaawacyo fudud soo gaaray eey Dhiig bax u dhintaan.
9.43 Daqiiqo Diyaarad lambarkeedu uu ahaa Boeing 757 ayaa waxaa lagu dhuftay xaruntii Wasaarada Difaaca ee dalka Mareeykanka taas oo lagu magacaabo the Us Pentagon wexeeyna ku taalay Magaalada Washington, D.C.
Diyaaradaan 3-aad waxaa saarnaa Rakaab ka koobnaa 64-Qof wexeeyna ka mid eheed Diyaaradihii maalintaas la soo afduubay. 10.00 Subaxnimo waxaa hoos inuu u soo dumo bilaabay mid ka mid ah sarihii la qarxiyey ee Mataanaha ahaa waa Xarumihii Ganacsiga Adduunka World Trade Centers (WTC).
10.29 xaaladu wexeey isku badashay Holac iyo Qiiq waxaana si toos ah dhexda uga kala jabtay Sartii 2-aad oo ka tirsaneed Mataanahaas Diyaaradaha lagu duqeeyey.
11.33 Daqiiqo Diyaaradii 4-aad oo la doonayey in lagu duqeeyo Pittsburgh-ka Mareeykanka ayaa la soo riday. Saacadu markeey eheed 19.00 oo gaw ah waxaa dib loogu soo celiyey Aqalka cad ee dalka Mareeykanka Madaxweeynihii xiligaas Mr.Geoarg W. Bush oo arimo Nabadgalyo darteed looga saaray Aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareeykanka.
20.30 waxaa si Live ah Telefishinada Caalamka uga hadlay Mr.Geoarg W. Bush oo sheegay in Dhimashadu gaartay Kumanaan kun oo qof xaaladuna weli cakiran tahay wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey ineey Jawaab cad ka bixin doonaan Weerarka Shacabka Mareeykanka lagu soo qaaday.
21.10 Daqiiqo wexeey Korantada ka dansaneed daaraha u dhaw dhaw xarumhii la Qarxiyey laakiin Koranto uma baahneeyn oo meel kasta Holac iyo Iftiin Qaraxyo wata ayaa qariyey ( the World Trade Center twin towers).
Mucjisooyinkii ugu yaabka badnaa ee Maalintaas dhacay waxaa lagu soo xasuusan doonaa arimo eey ka mid yihiin sidan : Rakaabkii saarnaa Diyaaradihii la qarxiyey wexeey weey diiyeen Argagixasadii Diyaaradahaas afduubtay halka loo wado iyo danta eey ka leeyihiin Afduubkaas.
Argagixisadii wexeey ku jabaabtay in Xaalku hagaagi doono waxa eey rabaana eey tahay Lacag oo Kaliyah intaas ka dibna Dadkii Rakaabka ahaa oo yaaban ayeey Sarahii dhaa dheeraa ka dhex bixiyeen Diyaaradihii eey soo Afduubteen. Rakaabka saarnaa Diyaaradahaas waxaa ku jiray Dad Muslimiin ah oo ka soo kala jeeday dalalka Maleeysia ,Indonesia & Qadar.
Dhibkii dhacay maalintaas Ninkii ugu geesisanaa waxaa loo aqoonsaday Nin Mareeykanka Madoow ah oo lagu magacaabi jiray Jemes Davis. Ninkaan oo la shaqeenay Qolooyinkii Gawaarida Gurmadka Deg Deg ah waxa uu iska soo tuuray 28 piyaano Dushooda wuxuuna dhulka ku soo dhacay iyada oo eey si toos ah u daawanayeen Wiilkiisa oo xiligaas 11-sano jir ahaa iyo xaaskiisa katharina.
Ninkaan ayaa la sheegay sababta uu isku soo tuuray ineey eheed inuu kala jeeday Dhimasho ma dhaanto dhimaasho maadaama Qeeybtii hoose ee Dabaqii uu saarnaa eey soo gubatay dabkana uu ku soo socday dhanka Dabaqa qeeybtiisa dhexe.
Ugu dambeentii Qaraxyadii maalintaas dhacay waxaa ku geeriyootay in ka badan 3000 oo Qof waxaana xusid mudan 87 ka mid ah Dadkii geeriyooday ineey ahaayeen Shaqaalihii Gurmadka Deg Dega ah u soo fidiyey dadkaas kuwaas oo ugu dambeeyntii iyagiina Nafsadoodii ku waayey.