La Yaab : Zoltan Gera, Laacib Xasaasiyad & Cabsi ka qaada Onkodka iyo Hilaaca By-Sky Sport ( Halkaan ka Daawo Goolashiisa iyo Wacdarihiisa)
Laacibka khadka dhexe ee Kooxda Fc Fulham & Qaranka Hungry Zoltan Gera ayaa maanta wareysi Murugo xambaarsan siiyey Tv-ga ugu codka dheer Saxaafada Spirtiga Sky-Sports.
Gera ayaa waxa uu Xasaasiyad ama waxa eey Somaalida u taqaan Jariiraco ka qaadaa Onkodka & Hilaaca. Wareeysiga Zoltan Gera oo aad u dheeraa ayaa sheegay in Jiradaan ilaa yaraantiisii eey la soo daristay wuxuuna 3-jeer caafimaad ahaan u tagay Dalalka Jarmalka, Mareykanka iyo Canada si uu mar uun iskaga daaweyn lahaa Jariiracadaan iyo Jiradaan Jaalka la noqotay.
Gera ayaa xiliyada uu socdo Roobka xoogan ee xambaarsan Onkodka iyo Hilaaca waxa uu ku qasban yahay inuusan ka soo bixin gurigiisa magaalada London waxaana taas u qoray dhaqtar caafimaad.
Laacib Gera ayaa sheegay in Hilaaca uu inta badan ka gambado oo gurigiisa isku soo xiro balse waxa aan laga gamban karin eey tahay Hugunka Onkodka oo xasaasiyad ku rida ciyaaryahan-kaan.
Intaas ka dib waxa uu Tv-ga Sky Sport soo bandhigay Eey ku nool Dalka Finland oo isna xasaasiyad ama Cabsi Jariiraco ah ka qaado hugunka Onkodka iyo Iftiinka Hilaaca (La Yaab)
Filo Goor dhaw: Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport oo maanta ku saabsan Ciyaaryahan Caan ah oo ilaa Dhalinyaranimadiisii Booliis ahaa weliba Askarta kuwa bursada Tuugada Bankiyada dhaca maxaa yeelay Aabihiis ilaa Awoowgiis ayaa Askar ahaa hadana waa Laacib weeyn oo difaaca ka dheela(Filo Saacad walba)