Pele oo maanta 70-jirsaday, Wayne Rooney oo ilaa sanadka 2015 Man Utd saldhigtay, Ciyaarta Feerka oo Cuduro Mucjiso ah laga helay & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News .
Xiddiga ilaa iyo hada wato magaca Boqorka kubada cagta ee caalamka Pele ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu leeyahay dabaal deg weeyn oo ka dhici doona garoonka kubada cagta kooxda FC Santos ee horyaalka Brazil. Pele ayaa lagu wadaa in loo qabto ciyaar saaxiibtinimo iyo Tartano kale oo aad u fara badan waxaana loo diyaariyey Funaanad weeyn oo gadaal eey uga qoran tahay Lambarka 70-aad oo ah dhalashadiisa maanta.
Xafladaan oo uu soo daayey BRAZIL-SRO TV ayaa waxaa lagu wadaa in eey soo camiraan ama ka soo qeeyb galaan marti sharaf aad u fara badan oo dunida magac weeyn ku leh dhanka ciyaaraha kubada cagta. Dalka Brazil ayaa waxaa aad looga xusaa qofka marka uu gaaro dhalasho Lambarkeeda uu buuxo sida 10,20,30,40,50,60 & 70 oo uu Ex Player Pele maanta Nasiib u yeeshay in loo dabaal dego.
**Waxaa la soo afjaray Khilaafkii baaxada weeynaa ee soo kala dhex galay Maamulka Man Utd iyo weeraryahanka Qaranka England iyo kooxda ManU Wayne Rooney . Khilaafkaan oo taagnaa mudo dhoor Isbuuc ah ayaa ugu dambeentii lagu guuleeystay in la xaliyo maadaama labadii cisho ee ugu dambeeysay Qol la isku xirtay runtana la isku sheegay. Ciyaaryahan Wayne Rooney ayaa si toos ah qalinka ugu duugay heshiis cusub oo gaaraya ilaa sanadka 2015-ta kaas oo isla markiiba eey ka naxeen kooxihii sida weeyn u doonayey ama ugaarsiga ugu jiray oo kala ahaa Manchester City, Fc Chelsea & kooxda Real Madrid ee horyaalka Spain.
Tv-ga Sky-sport ayaa waxa uu soo daayey Maamulka Man Utd oo ku mashquulsan sidii eey u tir tiri lahaayeen fadeexo iyo Hanjabaad qaar ka mid ah Taageerayaasha Man Utd eey ku buufiyeen Guriga Villada qaaliga ah ee Rooney uu ka baxshay 5- Milyan oo Euro kaas oo ku yaal magaalada Prestbary ee isla dalka Ingiriiska. Taageerayaasha ayaa xili habeen ah waxa eey Villada ciyaaryahan Wayne Rooney ku buufiyeen Rinji iyaga oo leh sidan : " Waa balan inaadan noolaan doonin hadaad Man City u tagto waxaadna Nolashaada ku dhameeysan doontaa dhuumasho iyo cabsi.
Weeraryahan Wayne Rooney oo kooxda ManU u yimid sanadkii 2004-kii ayaa 191-kulan oo uu saftay waxa uu kooxdiisa u saxiixay 92-Gool.
**Ciyaartooyda dheesha ciyaarta Feerka WBC ayaa waxaa la soo gud boonaatay cabsi iyo welwel ka dib markii feerkii caalamiga ahaa ee ugu dambeeyey oo dhexmaray ciyaaryahanada Miisanka Culus ee Vitali Klitschko oo u dhashay dalka Ukrain iyo Shannon Briggs oo isna u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa ilaa hada Isbitaal yaal oo inuu isla hadlo bilaabay Shannon Briggs oo afka ka dhaawacmay xiligaas.
Dhaqtarka ka masuulka ah Shannon Briggs oo lagu magacaabo David Morre ayaa sheegay in uu horay u soo bandhigay 2-cudur oo si deg deg ah ugu dhaco dadka feerka ciyaara kuwaas oo kala ah Xisla´aan iyo marka qofka feerka ciyaara uu gaaro 40-sano oo uu qatar ugu jiro cudurka qalalka loo yaqaan oo jirkiisa soo raadsada. Warkaan oo maanta eey qoreen inta badan saxaafada Sportiga ee caalamka ayaa waxa ugu yaab badneed markii uu yiri Shannon Briggs halkaan (Isbitaalka) waxaan ku imid Lugaheeyga oo cidna ima keenin bartaan taas oo dadka inta badan ka yaabisay maadaama habeenkii uu afka ka dhaawacmay durbadiiba loola cararay Isbitaalka waxaana qaaday ampulace.
**Laacibkii iyo Tababarihii hore ee kooxda Juventus Ciro Ferrara ayaa waxa uu la wareegay oo loo magacaabay inuu Macalin u noqdo Xulka Qaranka Juunyarka Talyaaniga oo loo yaqaan Azzurrini. Ciro Ferrara ayaa waxa uu Saxiixay heshiis ku kacaayo ilaa sanadka 2013 waana ciyaartooyda awood ahaan ku xigto kuwa waa weeyn ee Qaranka Italy . Ciyaartooydaan ayaa waxa eey dhamaan jiraan 21-sano. (U21)
Filo wax yar ka dib Ciyaartooyda hogaanka u heeyso Gool dhalinta Horyaalada England, Italy, Spain & Germany + kooxaha eey u dheelaan oo hada shaqo eey ku socoto.