Maxaad kala socotaa sida loogu kala Horeeyo Gooldhalinta Horyaalada England, Italy, Spain, France iyo Germany (+Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News) .
Sida balantu eheed waxaanu Bil kasta idiin soo aruurinaa halka eey kala joogaan Ciyaartooyda ugu caansan Horyaalada Qaarada yurub kuwooda Hogaanka u haya dhanka Gooldhalinta ee loo yaqaan (Car iyo Wir-ka) .
Hadaanu ku biloowno Horyaalka Dalka Ingiriiska ee England Premier League waxaa loo kala horeeyaa Qaabkaan Hoose :
1-Dimitar Berbatov, Man Utd 21-Gool.
2-Carlos Tevez, Man City 19-Gool.
3-Robin van Persie, Fc Arsenal & Darren Bent Sunderland min 17-Gool.
4-Peter Odemwingie, West Bromwich 15-Gool.
5-DJ Campbell FC Blackpool, Andrew Carroll FC Liverpool/Newcastle Utd, Javier Hernandez Manchester United, Dirk Kuijt Fc Liverpool, Florent Malouda Fc Chelsea, iyo Rafael van der Vaart Tottenham dhamaantood Ciyaartooydaan wexeey wada leeyihiin min 13-Gool.
6-Didier Drogba Fc Chelsea 12-Gool.
*** Horyaalka Talyaaniga ee Serie A waxaa dhanka gooldhalinta isku heeysto Ciyaartooyda kala ah sidan :
1-Antonio di Natale ,Udinese Calcio 28-Gool.
2-Edinson Cavani, ssc Napoli 26-Gool.
3-Samuel Eto'o, Inter Milan 21-Gool.
4-Marco di Vaio Fc Bologna, Alessandro Matri, Juventus iyo Cagliari Calcio min19-Gool.
5-Giampaolo Pazzini, Inter Milan 15-Gool.
6-Zlatan Ibrahimovic, Ac Milan , Alessander Pato Ac Milan, Robinho Ac Milan & Francesco Totti As Roma min 13-Gool.
*** Horyaalka La Liga ee dalka Spain Weeraryahanada Kooxaha wexeey Gooldhalinta u kala horeeyaan sidan.
1-Cristiano Ronaldo, Real Madrid 38-Gool.
2-Lionel Messi, Fc Barcelona 31-Gool.
3-Alvaro Negredo, Fc Sevilla, David Villa Fc Barcelona, Giuseppe Rossi FC Villareal Dhamaan Laacibiintaan wexeey wada leeyihiin Min 18-Gool.
4-Sergio Agüero Atletico Madrid, Fernando Llorente Athletic Bilbao, & Roberto Soldado Fc Valencia wexeey wada leeyihiin min 17-Gool.
*** Horyaalka France ee Ligue 1 waxaa Gooldhalinta Car & Wir isku hayo Ciyaartooyda kala ah:
1-Moussa Sow, OSC Lille 21-Gool.
2-Kevin Gameiro, FC Lorient 21-Gool.
3-Youssef El Arabi, Caen 17-Gool.
4-Lisandro Lopez, Lyon 16-Gool.
*** Horyaalka Bundesliga ee Dalka Germany waxaa Dhanka Gooldhalinta loogu kala horeeya sidan:
1-Mario Gomez, Fc Bayern Munchen 33-Gool.
2-Thomas Müller, Fc Bayern Munchen 25-Gool.
3-Papiss Demba Cissé SC Freiburg & Frank Ribery Fc Bayern Munchen min 24-Gools.
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY SHEEGAYAAN SIDAN:
*** Kooxda Kubada cagta ee KRC Genk oo ka dhisan Horyaalka Jupiler League oo ah kan dalka Biljamka wexeey markeedii 3-aad ku Guuleeysatay Horyaalka Belguim-ka ee Jupiler League.
*** Macalinka kooxda Manchester-United-Coach Alex Ferguson ayaa amaan uu u soo jeediyey Alabiitaraha ama Garsooraha lagu magacaabo Howard Webb waxa uu ku muteeystay Ganaax. Xiriirka kubada Cagta ee (FA) ayaa Manchester-United-Coach Alex Ferguson wexeey ku eedeeyeen inuu doonayey in uu iska hor keeno Garsoore Howard Webb oo Ciyaartii Man Utd Vs Fc Chelsea (2-1) hayey. Horyaalka Dalka Ingiriiska waxaa mamnuuc ka ah koox ama Tababare inuu Amaano ama caayo Alabiitare dhex dhexaad ka ah kooxaha oo idil. Sir Alex Ferguson ayaa yiri Alabiitare Howard Webb Garsoore ka wanaagsan ma jiro waana la dhacsanahay mar walba dhex dhexaadintiisa wuuxuuna Manchester-United-Coach Alex Ferguson amaantaas ku muteeystay Ganaax.
*** Xiddiga Qaranka Brazil & Kooxda Real Madrid Ricardo Kaka ayaa 3-kooxood oo aad u dooneeysay waxa uu u cadeeyey ineey Riyadaas iska iloobaan oo Candhuuftooda dib u laqaan. Ricardo Kaka ayaa Telefishinada Sportiga ee Caalamka si Live ah waxa uu uga yiri sidan: " Meel ugama socda Kooxda Real Madrid waana la sii joogi doonaa.
Ricardo Kaka waxaa Toosh Buuran ka daba watay kooxaha kala ah Ex naadigiisii hore waa Ac Milan, Fc Chelsea & Man City.
OGEEYSIIN: Fadeexadii ku saabsaneed Sidii loo gaaday ama Sawirada looga qaaday Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo la baashaalaayo Haweeyneey aan Lamaanihiisa aheeyn ayaa Goor dhaw soo bixi doonta. Warkaan waxa uu wataa Cadeeymo buuxo waxaana hada ku socoto tarjumis. Filo Goor dhaw War bixintaas, Sport News kale iyo Barnaamishka La yaab Sport!!
Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com