MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Nin u dhashay dalka Mareeykanka oo Bangi uu weeraray weeydiistay 1 Dolar iyo Sababta ku kaliftay arintaan oo Ciidamada Booliiska North Carolina dib ka ogaadeen (Halkaan ka Daawo War bixinta oo Tarjuman & Warar kale).
(XIRIIRIYE IYO BARNAAMISHKA SOO ARUURINTA MUCJISOOYINKA CAALAMKA). Waxaa inta badan soo laab laabta dhibaatooyinka ka dhaca mar walba Gobolada iyo Degmooyinka dalka Mareeykanka.
Hadaba maxaa cusub markaan, maxaadse kala socotaa arinta James Verone?
James Verone waa nin 59-jir ah oo u dhashay dalka Mareeykanka kuna noolaa Magaalada North Carolina ee isla dalkaas.
Dhibanahaan dhamaan Nolashiisa waxa uu ahaa nin soo shaqeeystay wuxuuna 17-kii sano ee ugu dambeeysay ka shaqeeysan jiray ama u shaqeeyn jiray Shirkada Coca-Cola isaga oo u qabiilsanaa u geeynta ama u qeeybiyaha Cabitaanka Shirkadaas ee Dukaamada loogu tala galay.
James Verone xiliyadii ugu dambeeyey wuxuu noqday nin eey iskugu darsoomeen dhoor xanuun oo kala duwan haba u weeynaadee Cudurka Qalalka loo yaqaan. James Verone oo Dhaqtar caalami ah u tagay waxaa loo sheegay in uusan laheeyn Kaarka Caafimaadka weliba laga doonaayo hadii uu rabo in Cudurka haayo laga daaweeyo Lacag Doppel ah oo uusan awoodin.
James Verone oo Dhaqaalo xumo balaaran heeystay maadaama intii uu xanuun sanaa eey shaqadii ka istaagtay wuxuu markaan ku fakaray oo Fursad qaali ah u arkay inuu Bangi Weeraro ka dibna halkaas ku sugo ciidamada Booliiska dalka Mareykanka si eey u qabtaan Daawo Lacag la´aan ahna uga helo Xabsiga dhexdiisa .
James Verone oo Xanuunka haayo dartiis wax walba ka doortay inuu Xabsiga gudihiisa isku soo daaweeyo wuxuu markaan soo abaaray mid ka mid ah Bankiyada ugu caansan dalka Mareeykanka oo lagu magacaabo RBC Bank.
James Verone markii uu gudaha u soo galay Bankigii Caalamiga ahaa wuxuu Durbadiiba Warqad u dhiibay Haweeneeydii ka shaqeeneeysay waxaana Warqadaas ku qorneed sidan " Naftaada ha isku haligin Hub ayaa ii Qarsoon waxaana kaa doonayaa inaad si deg deg ah 1-Dolar igu siiso waa hadii aad dooneeysid inaad sii Noolaato,,
Intaas ka dib Haweeneeydii oo yaaban waligeedna aan maqal Qof hal Dolar dhacaayo ayaa si deg deg ah af gelis uga dhigtay Lacagtii halka Dolar eheed ee uu warsaday Mr.James Richars Verone .
James Verone ma bixin oo ma cararin sida Tuugada Bankiyada dhacdo lagu yaqaan ee waxa uu dhex fadhiistay Bankigii dhexdiisa ilaa eey Askarta afarta dhinac kaga yimaadaan.
Ugu dambeentii ninkaan Dhibanaha ah ayaa ugu yaraan leefi doono 3-sano oo xarig ah sida uu dhigaayo Sharciga dalka Mareeykanka balse waxaa laga daaweeyn doonaa oo Qaliin looga sameeyn doonaa Xanuunka ku kalifay inuu Xabsi isku soo dhex daaweeyo.
James Verone oo saxaafada mareeykanka ka yaabsaday ayaa waxa uu yiri sidan " If you don't have your health you don't have anything."
Halkaan ka Daawo Aqbaarta Qisadaan oo Caalamka ka yaabsatay http://www.youtube.com/watch?v=eEC_99KPs88 .
***
Madaxweeynihii hore ee dalka Tunisia Mr. Zine El Abidine Ben Ali oo lagu Xukumay 15 sano oo Xarig ah & Qareenkii Difaaci lahaa oo Buugiisii la isku laabay !!þ
Cadeeymo iyo baaritaan fara badan ka dib waxaa go´aan aan ka noqosho laheeyn gaartay Maxkamada ugu sareeysa dalka Tunisia oo Madaxweeynihii hore ee dalkaas ka cararay Mr. Zine El Abidine Ben Ali ku xukuntay 15-sano oo Xarig ah.
Cadeeymaha eey soo bandhigtay Maxkamada dalka Tunisia ayaa waxaa ugu waa weeynaa Bin Ali oo hub fara badan dalal dhoor ah si Sharci daro ah uga iibiyey iyada oo eeysan la ogeeyn Dawlada dhexe ee dalka Tunisia ama Wasaarada Gaashaandhiga.
Waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyey Mr. Zine El Abidine Ben Ali inuu Daraagiska Maandooriyaha Nacasta loo yaqaan si sharci daro ah uga kanacsan jiray weliba uu u fasaxay rag isaga u shaqeeyn jiray oo Paasabooro dalal kala duwan ah watay.
Qareenkii xaqa u lahaa inuu Difaaco Xariga loo jaray Mr. Zine El Abidine Ben Ali ayaa Buugiisa Maxkamada dhexdeeda la isku laabay ka dib markii Qareenkii halkaas ugu sareeyey uu ku dhawaaqay in Mr. Zine El Abidine Ben Ali uu xaq u lahaa 35-sano oo xarig ah balse 15 sano eey tahay go´aan dhacay oo aan ka soo noqo la heeyn.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com