LA YAAB : Shirkad Jarmal ah oo soo bandhigtay Muuqaalka Laacibiin caan ah marka eey gaaraan da´da 50-sano jirka,* Jürgen Klinsmann oo loo magacaabay Macalinka Qaranka Mareeykanka & Sidoo kale xulka Qaranka Argentina oo Tababare cusub loo caleemo saarayþ.
(LA YAAB SPORT) Shirkad laga leeyahay dalka Germany oo soo saarta Qalabka Kumbiyiitarada ayaa mudooyinkaan dambe wexeey isku mashquulisay soo saartista wajiga dhabta ah ee uu yeelan doono Ciyaaryahan kasta ama kuwooda dunida ugu caansan marka eey gaaraan da´da 50 sano jirka.
Laacibiinta Wajigooda eey Shirkadaan sida la yaabka ah u saadaalisay ayaa durbadiiba waxaa dhacday in qaar ka tirsan Xiddigahaan marka eey Duqoobaan ama gaaraan da´da 50 jirka u ekaan doonaan ama isku badali doonaan Wajiyo laga naxo muuqaalkooda.
Laacibiinta Wajiyadooda laga yaabay cabsidana laga muujiyey marka eey gaaraan 50-sano jirka ayaa waxaan ka xusi karnaa Xiddiga Qaranka Germany Bastian schweinsteiger, Xiddiga Qaranka Togo Sheyi Emmanuel Adebayor, Xiddiga Qaranka England Wayne Mark Rooney, Xiddiga Qaranka Holland Wesley Sneijder , Xiddiga Qaranka Talyaaniga Ivan Gennaro Gattuso iyo Weeraryahanka Qaranka Ivery Coast Didier Yves Drogba Tebily. Laacibiinta la sheegay marka eey gaaraan da´da 50 sano jirka ineey muuqaal ahaan u ekaan doonaan sida eey hada yihiin marka laga reebo Ciro daris la noqon doonta ayaa waxaanu ka xusi karnaa Xiddiga Qaranka Germany Mesut Mustafa Ozil (Sawirka kore), Xiddiga Qaranka England Frank James Lampard , Xiddiga Qaranka Cameroon Samuel Eto'o Fils & Xiddiga Qaranka Portugal Cristiano Ronaldo dos Santos Aveiro. Cristiano Ronaldo ayaa saadaashaan cajiibka ah waxaa lagu sheegay inuu Shaarbo dheer yeelan doono waxaana durbadiiba la soo bandhigay isaga oo Shaarbo dheer leh. *** Laacibkii hore ee Qaranka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen Jurgen Klinsmann ayaa waxaa loo magacaabay Macalinka Qaranka Mareeykanka (The US-Team Coach). Jurgen Klinsmann oo 47 jirsaday shalay waxa uu mudo aad u fog ku noolaa Gobolka Kalfaronia ee dalka Mareeykanka. Jurgen Klinsmann wuxuu Germany u soo qaaday sanadkii 1990-kii World Cup wuxuuna sanadkii 2006 isaga oo Tababare ah keenay Qaranka Germany kaalinta 3-aad World Cup 2006 oo lagu qabtay dalka Jarmalka. Jurgen Klinsmann oo hada Masuul sare ka ahaa kooxda Toronto FC oo ka ciyaarta horyaalka dalka Mareeykanka ee Major League Soccer (MLS) Wuxuu xilkaan Macalinimo kala wareegay Tababare Bob Bradley. Jurgen Klinsmann ayaa Qaranka Mareeykanka u saxiixay Qandaraas 5 sano ah wuxuuna balan qaaday inuu Qaranka Mareeykanka u soo saari doono World Cup 2014 oo lagu qaban doono dalka Brazil. *** Dhanka kale Tababare Sergio Batista oo maalintii Talaadada eheed isaga tagay Jagadii uu ka hayey Xulka Qaranka Argentina ayaa waxaa booskii uu baneeyey la wareegay Tababare cusub oo lagu magacaabo Alejandro Sabella. Alejandro Sabella wuxuu horay Qaranka Argentina ula soo qaaday 2-koobka Adduunka ah iyo koobkii ugu dambeeyey oo uu gacanta ka saaray sanadkii 1993-kii.