Walaalihii is dagaashanaa ee Jerome iyo Kevin-Prince Boateng oo la heshiisiiyey & faalo Ciyaarihii dhacay ee Euro 2012 (Halkaan ka Daawo kuwii ugu xiisaha badnaa)
Laacibiinta u kala dheela kooxaha AC Milan & Man City Jerome Boateng iyo Kevin Prince Boateng oo dad walaalo ah ayaa waxaa in mudo ahba u dhexeeyey dagaal sokeye oo keenay ineey labo qaran u kala saftaan kuwaas oo kala ahaa Qaramada Ghana & Germany.
Ciyaartooydaan ayaa isku qilaafay dhaawicii Michael Ballack uu u geestay Prince Boateng xili eey isaga horyimaadeen ciyaar FA-ga oo final eheed.
Dagaalka ciyaartooydaan walaalaha ah ayaa ka biloowday ka dib markii saxaafada wax ka weey diisay Jerome dhaawaca uu walaal kiis Prince-Kevin ugeestay Ballack inuu Jaalle ama Roso siin lahaa iyo sida eey ula muuato isaga. Jerome oo u ciyaaraha hada kooxda Man City ee horyaalka England ayaa xiligaas isaga oo u ciyaarayey kooxda Hambrug ee horyaalka Germany waxa uu horay ka yiri waa Rooso caadi ah walaalkeey waa nasiibloow oo Rosso ayuu u qalmay. hadal kaas ka dib dhoor jeer ayey saxaafada isku caacaayen waxaana xigtay ineey Safaaraha kala qaataan oo walaaltinimadii ka dhaxeysay halkaas lagu xiro.
Hooyada dhashay laacibiintaan oo si weeyn ugu dhex wareertay ayaa hada aaqiritaankii isku keentay. Wiilashaan walaalaha ah oo dhoowr jeer la doonayey in la isku keeno ayaa doonistaas bur burtay balse hada waxaa heshiisiisay Hooyada dhashay oo labadaba Telfoonada ka xiratay ka dib markeey heshiin waayeen..Jerome Boateng ayaa ah nin degan waxaana labadooda fud fudud Xiddiga Milan Keevin-Prince Boateng.
QAAR KA MID AH IS REEB REEBKA EURO 2012 OO LA CIYAARAY IYO KOOXO KALA AARSADAY.
Xulka Qaranka Portugal oo Tababare cusub keensaday ayaa si weey uga aarsaday Xulkii eey ka cabsan jireen ee Denmark. Portugal oo 3-1 ku badisay ayaa waxaa labo ka mid ah goolasheeda u saxiixay Laacib Nani oo dhaliyey goolsha loo yaqaan Pistarada ee dhaqsiyaha badan, goolka kale waxaa dhaliyey Laaci Cristiano Ronaldo pp paas qurxoon ka helay Luis Nani. Halkaan ka Daawo goolasha: http://www.youtube.com/watch?v=irQKHqjMlyE
Dhanka Germany Vs Turkey, Jarmalka waxa uu Turkida kula dagaalamay hubkoodii, Mesut Özil oo Turki ah balsa u safta xulka Germany ayaa gool qurxoon ka dhaliyey qarankii dalkiisa hooyo. Halkaan ka Daawo: http://www.youtube.com/watch?v=rrvmhyRAf2A.
Talyaaniga wexeey 0-0 la dhaafi waayeen Waqooyiga Irland. Spain wexey 3-1 ku garaacday Lithuania waxana goolasha 2-kamid ah u saxiixay Liorente goolka kale waxaa raacsaday David Silva Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=xEU5RevVD1k. Ruushka waxa eey 2-3 ku soo garaaceen kooxda uu Tababaraheeda Trappatoni ka jiran yahay waa Qaranka Irland.
Czech Republic waxa eey 1-0 dirqi uga fakadeen xulka Scotland oo fursado badn iska qasaariyey. Caawa ayaa waxaa kulamo adag ciyaaraaya France Vs Romania, iyo israel vs Croatia. Dhamaan natiijooyinka ciyaarahaas iyo warar kale oo Sport News ah filo goor walba.