Wax lala yaabo maahan in Laacibiin badan eey soo food saarto dhibaatooyin xaga Kooxaha eey u Ciyaaraan oo inta badan ku eedaya ineey Cuslaadeen ama Aalamiitada si wanaagsan u qaadaneyn.
Ha iloobin Waayihii Barca-Boys loo boxshay Ronaldinho, Eto´o, Messi, iyo Henry oo hada Afartooda la kala haatiyey ama nin kaste meeshii uu wax ka soo saaran karo u baqoolay(Fantastic 4)
4-taan Laacib ayaa waxaa ugu Nasiib badan Samuel Eto´o , maxaa yeelay waxa uu isku heeystaa 2-Champions League oo isku xigta..mar uu Barcelona la qaaday, iyo kii ugu dambeeyey oo uu Inter la qaaday.
Messi ayaa Nasibka 2-aad leh maxaa yeelay Koobab ku filan waa uu heeystaa Kooxdiisa-na iskama dirin oo wali weey u baahan yihiin,
Henry waxaa loo diray Horyaalka Mareykanka & Kooxda Red bull New York Nasiibkiisa halkaas ha ku cuno koleey Difaaca reer Mareykan Henry ma celin karaanee.
Ronaldinho xaaladiisa waa see tahay Master Ex-Pest Player??.. Maanta ma ciyaari karta?
Waxaa soo haray Al haaji Ibrahimovic oo eey qabsatay Wax badso Wax Beel ayey leedahay...Inter ayaa laga cararay, Eto oo Barcelona is laheed inta uusan idinku cuslaan dhoofiya iyo Lacag ayaa lagu soo badashay. Zlatan Ibrahimovic sidaas ayuu ku dhaafay Caweeyskii Champions League hadana waxaa u soo carfaya Kursiga Keydka inuu dhinac ka qabsado David Villa oo valencia laga keenay.na uu gaariga uga dago ileen Barcelona waa la yaqaan oo waa HAYE-RAAC wixii cusub Caalamka jecel ayey Barca waligeed ku socotay mana ahan sida Real Madrid oo Ciyaartooyda iska heeysto iyada oo Koobab la aan ah !!
(Qormadaan weey dheer tahay wexeeyna soo taaban doontaa ilaa ciyaartooy badan , la soco Qeeybteeda 2-aad, 3-aad iyo 4,aad.
Dhanka kale warar Deg deg ah oo hada ina soo gaaray ayaa waxaa ugu waa weeyn sidan:(All News) Maradona oo ka tagaya shaqada Xulka Argentina.
David Trezeguet oo looga gacan haatiyey Horyaalka Turkiga iyo Fenerbahce.
Inter oo isku dooneyso Labada weerar yahan ee Diego Forlan Iyo Sergio Aguero oo u wada Safta kooxda Atletico Madrid.
Milan oo isku Kooleysay Mauro Camoranesi , waxeyna shaacisay ineey aad u doonayaan 33-Jir-kaas Juventus u dheela.
Iyo Barcelona oo dhex jiifto qasaaro dhan 442-Milyan oo Euro. Filo warar kaan oo faah faahsan goor dhaw haduu eebe raali ka noqdo.
(
Höhe von 442 Millionen Euro drücken. Er sagte, Barcelona werde aktuell von den höchsten Verbindlichkeiten seiner Geschichte belastet) BY: Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarjuva9@hotmail.com