News : Real Madrid oo Bayer München kala wareegtay Koobkii Beckenbauer & Inter oo Trofeo TIM-Cup ka qaaday Ac Milan iyo Juventus (Halkaan ka daawo)
33-Sano ka dib oo uu Maamulaha ugu sareeyo Kooxda Bayer Müchen ka ahaa Franz Beckenbauer ayaa waxaa loo suubiyey sagootin heer sare ah oo garoonka eey soo camiraan Marti sharaf caan ku ah dhanka Kubada cagta oo ka kala yimid Dunida dacaladeeda.
Ciyaartaan dhex martay Kooxaha Bayer vs Real Madrid ayaa shaqsi ahaan aniga waxaan Live uga daawanayey Goroonka kooxda Bayer München qeeybta loo yaqaan Nordtribüne Safka 4-aad Fadhiga 97-aad Nambarka Tikitka 65-aad.
Garoonka Arena ee kooxda Bayer ayaa camirnaa oo waxaa lagu daawanayey Lacag la´aan marka laga reebo qof kasta oo lagu qasbay in uu 1-xabo oo cabitaan ah gato sida Coca Cola iwm si lacag loogu aruuriyo Dad eey dhibaato ka soo gaartay Fataahada Roobabka ka dilaacay wadanka Pakistaan .
Xiddigihii Labada kooxood jaaniska ka cunay ayaa waxaa laga soo qaadan karaa Frank Ribery , Cristiano Ronaldo,Gonzalo Higuain & Mirlo Klose.
Ciyaaaartaan oo 0-0 ku soo dhamaatay ayaa waxaa Rigoore loo dhigay ka qasaariyey Kooxda Bayer München Xiddiga soo qaaday Gool dhalinta Koobka Addunka waa Thomas Müller.
Jose Morinho oo dhawaan u yimid Kooxda Real Madrid ee loo yaqaan Boqorada Yurub ayaa la gur guurtay Koobkiisii ugu horeeyey ee uu u qaado kooxda Real Madrid ka dib Rigooreyaal looga awood sheegtay Kooxda Bayer münchen. Halkaan ka Daawo :
http://www.youtube.com/watch?v=otsq1Kv_cGI
Dhanka kale Koocxda Inter ayaa Milan iyo Juventus ka qaaday Trofeo TIM-Cup oo soomaalida eey u taqaan 3-Geesoodka.
Ciyaar ka dhacday garoonka weeyn ee Stadio San Nicola oo ku yaal Magaalada Bari ayaa waxaa soo buux dhaafiyey Taageerayaasha kooxaha Inter, Juventus iyo Ac Milan.
Koobkaan oo aad u fac weeyn ayaa waxaa la iskugu diyaariyaa inta uu aasan bilaaban Horyaalka Talyaaniga waxaana Soomaalidu u taqaanaa 3-Geesoodka.
Trofeo TIM-Cup ayaa waxaa koox walba eey ciyaartaa 45-daqiiqo oo kaliyah taas oo macnaheedu eey tahay hal qeeyb oo ka tirsian sida Ciyaaraha kale loogu tala galay.
Tartankaan oo fooda eey is dareen Inter Vs Juventus ayaa waxa eey labada kooxood soo bandhigeen Ciyaar ciyaar dhaaftay oo u ekeed weerar iyo weerar celis.
Laacibka weeyn ee Xulka Qaranka Holland iyo Kooxda Inter Wesley Sneijder ayaa Darbo uu ku gaaday Boortaha Juventus waxa uu ka dhaliyey meel ka dheer 23-Mitir.
Inter oo ciyaartaan gool-kaas qura ku badisay ayaa hadana waxaa fooda is daray Milan vs Juventus oo Milan gool eey ku hormartay uu u saxiixay Ciyaaryahan Ronaldinho halka daqiiqado ka dib uu Juventus u bareejeeyey Laacib Diego 1-1 .
Waxaa lagu kala baxay Rigooreyaal eey Milan ku badisay halka Juventus eey 2 rigoore ka qasaariyeen Ciyaaryahanada kala ah Pepe iyo Amauri .
Ugu dambeeyntii waxaa ciyaaray labada kooxood ee Ifka addunka iskugu neceb waa Inter vs milan.
Inter ayaa 3-2 Rigooreyaal ah ku qaaday Koobkii 3-geesoodka 2010-ka halka Ac Milan eey rigooreyaasha ka qasaariyeen ciyaaryahanda Flamini iyo Inzaghi oo aan si degan u gamin Rigoorada.
Kooxda ?Nerazzurri"Inter oo heeysata The Uefa Champions League2009/10 , Koobka Talyaaniga, Horyaalka Talyaaniga ayaa Koobkaan waxa uu u noqonayaa kii ugu horeeyey oo uu u soo qaado Macalinka cusub ee badalay Jose Morinho waa Rafael Benitez oo Fc Liverpool uga yimid una dhashay Dalka Spain.
Ogeeysiis. waxaa la ogeeysiinayaa Bahda Kubada cagta ee ku xiran www.xiriiriye.com in Saacado ka dib aanu bilaabi doono Cod loo qaadaayo 10-kii Gool ee ugu quruxda badneed Champions League 2009/2010 taas oo la doonayo inaad si degan ugu codeeyso kan aad is leedahay waa ugu qurux & la yaab badan yahay.. Mahadsanidiin.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Halkaan ka Daawo Ciyaartii Inter vs Juventus oo eheed tii ugu adkeed ee goolal lagu kala badiyey, : http://www.youtube.com/watch?v=05cMt58RXGk
Halkaan ka Daawo Juventus Vs Milan oo isku guuray: http://www.youtube.com/watch?v=n0pMkN-HY-4
Halkaan ka Daawo Inter vs Milan oo ifka isku neceb balse Inter qaaday Koobkii http://www.youtube.com/watch?v=kVJwpGPYaQE
W/D Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarjuva9@hotmail.com