La Yaab : Maxaad kala soctaa 2-Cudur oo Ciyaaryahan Lionel Andres Messi Lacag kaste oo uu heeysto Daawo loo waayey? ,* Maalqabeenka Fc Chelsea oo Ebid Ciyaartooydii u badneed kooxdaas u soo wado,* (Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News + Halkaan ka Daawo Laacibiinta Caalamka ugu caansan xiligii eey Caruurta ahaayeen Qeeybtii 4-aad)
( La Yaab ,War Bixin Tarjuman) Jaraaid-yada dhanka Sportiga ugu magaca dheer dalka Spain ee kala ah Marca Sports Newspaper iyo Mondo Times ayaa wexeey soo bandhigeen Sawiro muujinaya Cadeenta Cudurkii ama Caadadii 2-aad ee Laacib Lionel Andres Messi daris la noqotay.
26.kii bishii Oktoobar Sanadkii 2009 waxaa www.xiriiriye.com iyo inta badan Saxaafada Sportiga ee Caalamka lagu soo bandhigay war bixintii uu xiligaas Tv-ga Spain ETB Sat ka qoray ama soo daayey wareeysi uu Xiligaas la yeeshay Kaptanka kooxda Fc Barcelona Mr Carles Puyol i Saforcada oo ka hadlay Quurada baaxada weeyn ee Ciyaaryahan Leo Messi wehelka la noqotay.
Xiddiga Qaranka Argentina & kooxda Catalonia Fc Barcelona Lionel Andres Messi oo Qudhiisa qirtay inuu ilaa yaraantiisii Quurin jiray wax dhib ahna eeysan ku heeyn Quuradaas marka laga reebo Ciyaartooyda qaar oo uu yiri weey Hurdo fudud yihiin waxaana hurdada ka kicisa Quuradeeyda sida Ciyaaryahan Gerard Pique Bernabeu, Pedro Eliezer Rodriguez Ledesma iyo Laaciibkii hore ee kooxda Fc Barcelona qadka dhexe Xamaaliga uga ahaa una wareegay dhanka Fc Chelsea xiligaas waa Ciyaaryahan Anderson Luiz de Souza Deco.
Jaraaidka Marca Sports Newspaper ayaa war bixintaan waxa uu Ciwaan uga dhigay sidan :" Dhididka Lugaha oo Ciyaaryahan Leo Messi Dibaato weeyn ku haayo Daawadiisana waayey. Jaraidka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Ciyaaryahan Leo Messi Xiliyada uu Basaska iyo Diyaaradaha la raaco kooxdiisa Fc Barcelona iyo Qarankiisa Argentina uu mar kasta Kabaha iskaga dhex siibo xiliyada uu saaran yahay diiyaradaha iyo Basaska. (Sawirka kore fiiri Leo Messi oo kabaha iskaga dhex siiyey Diyaarada Dusheeda.
*** WARAR KII CAALAMKA UGU WAA WEEYNAA IYO WORLD SPORT NEWS AYAA WAXAA KA MID AH SIDAN:
*** Chelsea-Boss Roman Abramowitsch oo Ciyaartooydii ebid ugu badneed halmar isku doonaayo. Malqabeenkaan maamula kooxda Fc Chelsea waxa uu soo bandhigay Lacag ama Adduun ka badan 170-Milyan oo Euro oo uu sheegay inuu ku doonaayo Laacibiin cusub. Xiddigaha uu soo bandhigay Mr.Boss Roman Abramowitsch ayaa waxaa ka mid ah Carlos Alberto Tevez oo Man City ah, Wesley Sneijder Inter Milan, Luka Modrid Tottenham, Neymar Fc Santos, Christian Erikson Ajax iyo Romelu Lukaku.
*** Kooxda Man City oo muda dheer Lacag caqli ka fooq ah ku ugaar saneeysay Ciyaaryahan C.Ronaldo ayaa markii ugu horeeysay Man City oo C.Ronaldo u soo bandhigtay 172-milyan oo Euro wuxuu ugu jawaabay Cristiano Ronaldo sidan " Beec iyo Lacag in la wada gaaro ma xumee, ma la is is weey diiyey inaan aniga rabo Man City ama kooxo kale, Aniga Real Madrid xiligaan la joogo meelna ugama socdo.
*** Kooxda Fc Bayern Munchen ayaa dhanka Horyaalka Ingiriiska wexeey ka soo wada taa Difaacyada birta ah ee u kala ciyaara kooxaha Fc Chelsea iyo Man City waa Alex Rodrigo Dias da Costa iyo Jerome Boateng .
*** Macalinka kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd Sir Alex Ferguson ayaa ku yabaalay Booskii uu baneeyey Mucjisadii hore ee qadka dhexe Mr.Paul Scholes oo Ciyaaraha Caalamiga ah ka fadhiistay dhoor Isbuuc ka hor.
Sir Alex Ferguson ayaa in badan waxa uu doonayey inuu Laacibka Qaranka Holland iyo Kooxda Inter Wesley Sneijder ku soo biiriyo Wiilasha Shayaadiinta Cas Cas iyo Garoonka Old Trafford (Manchester United)
***Manager-kii hore ee kooxda Juventus Luciano Moggi ayaa Ciyaaraha Caalamiga ah laga mabnuucay mudo Ebid.
*** Macalinka kooxda Inter Leonardo ayaa kooxdiisa iyo Xilka Tababarnim o ee Inter uuu u haayo iskaga tagaayo maanta ama beri wuxuuna Shaqo ka wanaagsan buuqa badan ee uu hada ku jiro ka helay kooxda (Manager) Paris Saint Germain waxaana arinkaan cadeeyey madaxa ugu sareeyo kooxda Inter ninka lagu magacaabo Massimo Moratti .
Halkaan ka Daawo Qeeybtii 4-aad ee Ciyaartooyda Caalamka ugu caansan xiligii eey Caruurta ahaayeen : >>> http://www.youtube.com/watch?v=m9qRsJR3oig&feature=related .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com