David Beckham oo Dagaal xoogan ugu jira sidii World Cup 2018 loogu qaban lahaa dalka England, Yaa ku heesta Tartanka? Maxaase ka taqaan Garoomada uu Fifa u gudbiyey?
Xiriirka kubada cagta ee dalka Ingiriisa oo soo wakiishay Xiddiga caanka ah ee dalkaas David Beckham sidii world Cup 2018 loogu qaban lahaa wadanka Ingiriiska ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa eey kabaha uga dhamaadeen Xafiisyada Fifa kuwooda ugu waa ween ee ku yaal qaarada Yurub.
David Beckham oo la kulmay dhamaan inta badan madaxda ugu sareeyso Xiriirka Fifa ayaa waxaa ugu muhiimsanaa kulankii uu la qaatay FIFA-Boss Sepp Blatter isaga oo farta ka saaray shuruudaha laga doonayo in wadan uu ku qaabilo Koobka Adduunka. David Beckham ayaa waxa uu si mucjiso ah u soo bandhigay Garoomada dalka Ingiriiska oo dhamaatood wada buuxa taas oo aad u qancisay FIFA-Boss Sepp Blatter maadama dadka Ingiriisk eey yihiin dad aan u ciyaaro jecel weliba Horyaalkooda ka dhigay mid si weeyn looga jecel yahay dunida oo idil.
Garoomada eey FIFA ka gudoontay Mr.David Beckham ayaa waxaa ka mid ahaa 3-da garoon ee Caasimada London ku yaal ee dadweeynuhu buux dhaafiyaan sida Wembley-Stadium oo qaranka Ingiriiska uu leeyahay laguna qabto Fiinaalaha Koobabka caalamiga ah ee dalka Ingiriiska, garoonka Emirates ee kooxda Arsenal iyo garoonka Stamford Bridge oo eey ka taliso kooxda Fc Chelsea. Garoomada kale ee uu Beckham Xiriirka FIFA ugu faanay una gud biyey iyaga oo aad buuxa ayaa waxaa ka mid ahaa Old Trafford oo Man Utd ku dhaarato , City-Stadium oo kooxda Manchester City lacag aad u far badan ku dhistay iyo ugu dambeentii garoonka kooxda Liverpool ee New Anfield.
Tartanka loogu jio qabashada World Cup 2018 ayaa waxaa ku heesta dalka Ingiriiska wadamada kala ah Russia, Spain iyo Portugal oo ineey wada qabtaan ku soo heshiiyey iyo sidoo kale Holland & Biljamka oo iyana isku raacsan ineey isla marti geliyeen.
Xulka Dalka England oo dunida looga yaqaan (Three Lions) ayaa waxaa ugu dambeeysay xili Koobka Addunka eey marti geliyaan sanadkii 1966-kii taas ayaana hada ka dhigtay in eey ku horeeyaan codbixinta iyo xaq u lahaanshaha world Cup 2018.
Ugu dambeentii The FIFA World Cup 2014 oo ah Koobka Addunka ee ugu soo horeeya ayaa waxaa lagu qaban doonaa dalka ku caan baxay in loogu yeero Warshadii ciyaartooyda waa Brazil.