Warbixin iyo Faaqidaada The Uefa Champions League (Halkaan ka daawo Kulamadii ugu adkaa ee Goolasha la isku dhiib dhiibay) Koobka Qaaliga ah ee The Uefa Champions League ayaa waxaa la Ciyaaray kulamadiisii 2-aad waxaana dheeley Group-A, Group-B, Group-C, Iyo Group-D. Haddii aan ku hormarno kooxaha Inter vs Werder Bremen ayaa Taariikhda inta la ogyahay wexeey is arkeen 5-kulan. Shantaas kulan ayaa waxa ay kawada tirsanaayen isla koobkaan. Labo mar waxa ay guusha raacdey kooxda Inter Milan halka kooxda Werder Bremen ay hal kulan oo qura badisey labada kulan oo soo hartay ayaa waxa ay wada galeen bar bar dhac ama bareejo. Ciyaarta ee wada ciyaareen Inter iyo Werder Bremen ayaa waxa ay ku soo dhammatay 4-0 oo ay guusha ku racdey kooxda Inter Milan.
waxa kaloo wada ciyaarey kooxaha Man United vs Valencia. kooxada Valencia ayaa waxa ay marti qaadey kooxda weyn ee Manchester United. Ciyaartaan oo ahayd ciyaar la wada sugaayey waxa ay ahayd ciyaar aad u kulul waxana la filayey in ay ku dhammato 0-0 mana suurto galin arinkaa ciyaarta ayaa waxa ay ku dhammatay 0-1 oo ay guusha ku raacdey Manchester United.
Goalka guusha ayaa United waxa u saxixay laacibka u dhashay wadanka MexicoJavier Hernández Balcázar (CHICHARITO) daqiiqadii markii ay mareeysay 85.
Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1. Manchester United waxey Group-ka C ku hogaamineysaa 4-Dhibcood. Halkaan ka Daawo Gool-ka Man Utd : http://www.youtube.com/watch?v=C0p0Zl6AtRU.
Waxaa kale oo la dheeley kulamo kale oo ka tirsan Champions League waxeeyna kooxuhu isku macsalaameyen sidatan :