jawaabtii Hal Xiraalihii ugu dambeeyey iyo SuŽaasha Hal Xiraalaha Cusub. Xiriiriye Sports oo weli ka Guuleeysan LaŽRag badan oo khabiiro Sport ah (Halkaan ka Daawo Jawaabta oo wadato Cadeeymo iyo Muqaalo Taariikh Mudan)
www.xiriiriye.com waxaa Gambar gaaban ugu fadhiyo Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed kuna hormaray akhbaaraadka iyo Taariikhda Ciyaaraha kubada Cagta ee Caalamka.
Hadaba Dhalinyaradaan ama Khabiiradaan Sport ee Soomaaliyeed ayaa maalin maalmaha ka mid ah uu Xiriiriye.com dhinacooda dhulka dhigi doonaa maadaama Hal Xiraalayaasha soo socda uu Xiriiriye si weeyn u diyaarsaday Guushana isaga eey ku dambeen doonto.
Jawaabta Hal Xiraalihii ugu dambeeyey ee uu Samuel Eto'o Gacantiisa ku mashquulay ayaa eheed Ciyaartii Fiinaalaha The Uefa Champions League oo ka dhacday Magaalada Roma ee Cariga Talyaaniga kuna dhamaatay 2-0 oo kooxda Barcelona Man Utd dhag dhageeda isaga reebtay.
Waxaa Hambalyo iyo bogaadin mudan dadkii sidaas saxda ah uga soo Jawaabay. Waxaa iyana dhanka kale Amaanmudan dadkii isku dayey ineey ka Jawaabaan balse Tartanka Tariinka ka haray ka dib mar kii eey Jawaabo qaldan na soo gaarsiiyeen.
Dhalinyada Guuldarada Sportiga ka faantay ee dhan kasta ka saxay SuŽaashaan ayaa waxa eey magacyadooda kala yihiin sidan:
Fiiro Gaar ah: Bahdii soo qortay halka magac oo kaliyah oo xitaa wax Neenaas ah wadan Sorry soo ma qori karno:
Inta aanu u gudo galin Hal Xiraalaha Cusub oo u eg mid kala bax ah weliba khabiiro badan oo weli Guul daro dhadhamin eey qasab tahay ineey Xanuunka Guuldarada mar kaliyah wax ka dhadhamiyaan bal halkaan ka Daawo Jawaabta Hal Xiraalihii hore cadeentiisa iyo sida uu Samuel Eto'o ugu mash quulay gacantiisa. Lana soco in Cristiano Ronaldo fursado badan ka qasaariyey kooxda Man utd wuxuuna dhoor jeer Wareeysiyo uu siiyey Sky-Sport ku sheegay in aad u neceb yahay Shabaqa iyo Goosha Fc Barcelona maadama markasta Sawaariiqda uu ku gamo eeysan goosha gelin oo Nasiibka Barcelona uu ka hiiliyo xitaa isaga oo hada u yimid kooxda Real Madrid Shabaqa Barcelona wuu neceb yahay inkastoo Sanadkaan uu kacsan yahay 9-goolna u saxiixay kooxdiisa Real Madrid horyaalka oo biloow ah : Daawo kulankaan oo ah mid Taariikhda eey Ebid xusi doonto >> Farxadii iyo Baashaalkii Barcelona iyo Muragadii Man Utd: http://www.youtube.com/watch?v=IDHiDdxSFW4&NR=1
Halkaan ka Daawo Man Utd oo la soo xasuusiyey Xanuuka eey leedahay Guuldarada Champions League Finaalkiisa oo eey kooxda Fc Chelsea Nasiibdaro la la yaabay uga soo qaaday kii ka dhacay magaalada Moscoow ee John Terry uu dhulka ku taraaraxay. Intaas ka dib Barcelona ayaa iyadana Championkii ugu dambeeyey waxaa ka Ooysiiyey Inter & Morinho oo iskugu tagay inkastoo wax la sugaa eey tahay Championkaan Inter oo iyana Xanuunka Ooyinta Championka la tuso. Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=Gj9OyAs6RWs&feature=related.
Halkaan ka Daawo Ruwaayad aad u qosol badan oo laga sameeyey markuu Samuel EtoŽo Gacantiisa garaacayey iyo Messi oo kabta siibtay. Waxaa taas ka sii qosol badan Puyol oo ka dacwoonaayo Cristiano Ronaldo iyo Kooxda Barcelona oo dhamaantood Jahwareer ku riday Ninkii ka socday Uefa iyaga oo leh Koobka Championka Magaceeyga ku qor ugu dambeentana Samuel EtoŽo Magaciisa lagu qoraayo Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=JekIGALNSjQ
Hal Xiraalaha Cusub ee Isbuucaan waa sidan:
Waxaad sheegtaa 3-Macalin/Tababare oo Kooxohooda la joogo mudo 10-Sano kor u dhaafeeyso. Welina lagama burin kooxaha eey Tababaraan hadii eey hoos u dhacaan oo guuldareestaan xitaa? Iska Jir waa SuŽaal adag laakiin Xiriiriye.com waxa uu kaa caawinayaa dhanka Sadexdaan Tababare iyo Kooxohooda oo ku wada jira Tartanka The Uefa Champions league ee hada socda 2010/11. Soo Qor Sadexdaas Macalin magacyadooda iyo Kooxaha eey leeyliyaan in ka badan 10-Sano...Soona Raaci Magacaaga oo Sadexan iyo hadii aad Neenaas leedahay: Halkaan noogu soo dir. Centeralka Keydka Warqabadkawww.xiriiriye.com... xiriiriyesports@hotmail.com . Jawaabta Hal Xiraalahaan Cusub ee Tababarayaasha ku Duqoobay kooxohooda waxaanu soo ban dhigeynaa Maalinta Qamiista ah 28.10.10 . >> Dhanka kale ka raali noqda Bahda Xiriiriye ku xiran Jawaabta Hal xiraalaha oo eheed inaan shalay oo Axad ah soo saarno ayaa waxaan ku mashquulsanaa Daawashada Horyaalada & Sameeynta Heeso Cusub. Dhamaan waad Mahadsantihiin.