 |
|
 |
188 |
 |

Van Nistelrooy oo Qeeylo kula dhaqaaqay Taageerayashiisa Farxad darteed, Chelsea & Man Utd oo Isbaaro xun loo dhigtay, Arsenal oo ka faaideysatay, Barcelona oo Valencia ka Matajisay Lacagtii David Villa, Milan iyo Roma oo Guryahooda ku Ciiday,Bayer oo soo noolaatay( Halkaan ka Daawo kulamadii Horyaalada ugu adkaa+Faalo) Waxaa la ciyaaray kulamo adag oo ka tirsan horyaalada Italy, England, Spain & Germany. Hadaanu ku hormarno horyaalka Serie A ee Talyaaniga oo laga ciyaaray 2 kulan oo kaliyah ayaa waxaa uu ahaa kulankiisii 7-aad waxaana fooda is daray oo ku kala baxay natiijadaan kooxaha AC Milan Vs Chievo & Roma Vs Genoa. Milan oo Chievo ku suul daartay 3-1 ayaa waxaa goolasha u kala saxiixay laacibiinta is banooni bartay ee qaranka Brazil Alessandro Pato oo 2-gool Milan u saxiixay weliba mid uu ahaa goolasha Biriqda loo yaqaan halka uu goolka 3-aad raacsaday laacibka eey dhawaan kooxda ku soo biriyeen ee Robinho. Goolka eey kooxda Chievo dhalisay ayaa ahaa mid uu Ibrahimovic kooxdisa ka dhaliyey in kastoo uu ciyaarta si weeyn dhanka paasaska uga qeeyb qaatay.Halkaan ka Daawo Ciyaarta: http://www.youtube.com/watch?v=7ee8KzZq3wY. Kooxda Roma ayaa iyana gurigeeda guul ku gaartay wexeeyna 2-1 uga badisay kooxda Genoa, Goolasha Roma ayaa waxaa u kala dhaliyey Borriello iyo Brighi : Halkaan ka Daawo http://www.youtube.com/watch?v=dcDhYC5m0Bc. Qeeybta 2-aad ee Faaqidaada Horyaalada ayaad uga bogan doontaan dhamaan marka la wada ciyaaro Horyaalka Talyaaniga. Horyaalka Primera Division ee Spain oo isna 3 kulan oo ka tirsan la ciyaaray ayaa waxaa ugu kululaa kulankii dhex maray kooxaha Fc Barcelona Vs Valencia oo eheed ciyaar dhinacyo badan la iskaga dhegnaa. Barcelona oo dooneeysay in hogaanka horyaalka eey kala wareegto Valencia ayaa waxaa u suurtoowday arnkaas maadaama eey 2-1 iskaga reebta Valencia balse saacad ka dib ayaa waxaa dhacday in Hogaankii horyaalka eey kala sii wareegto kooxda Real Madrid oo guri kale 1-4 ku soo garaacday naadiga Malaga. Kooxda Barcelona ayaa waxaa goolasha u kala saxiixay Difaaceeda Carles Puyol & Andreas Iniesta : Halkaan ka Daawo ciyaartii Barcelona Vs Valencia oo David Villa horay u sheegay in hadii uu gool dhaliyo uusan farxi doonin maadaama eey Valencia Ex-kooxdiisii hore tahay, Valencia oo goolka ku hor martay ayaa waxaa u saxiixay Hernandez : http://www.youtube.com/watch?v=6i5KyciyVO8. Kooxda Real Madrid oo guriga Malaga 4-1 iskaga reebtay ayaa waxaa moodaa in run ahaantii Jose Morinho uu ciyaartooyda Real Madrid kor u soo qaaday qaab ciyaareedkooda maadaama Real Madrid wax badan eey ka maqneed Maslaxa ciyaaraha kubada cagta weliba eey ka bixi weeysay abaar daran koob la´aan iyo Kooxda Barcelona oo dhibcaha ka tirsan jirtay xiliyadii ugu dambeeyey. Real Madrid ayaa hada waxa eey Hogaanka Primera Division ku heeysaa 17-dhibcood halka Barcelona iyo Valencia eey wada leeyihiin min 16-dhibcood. Dhanka kale kooxda At.Madrid ayaa 2-0 ku garaacday kooxda Getafe waxaana goolasha u kala saxiixay ciyaaryahan Costa oo hal gool u dhaliyey iyo midka kale oo ahaa gool uu shabaqa kooxdiisa Getafe ku hubsaday Codina. Goolasha eey kooxda Real Madrid ku badisay ayaa waxaa u kala saxiixay laacibiinta u kala ciyaara qaramada Argentina & Portugal waa Gonzalo Higuain iyo Cristiano Ronaldo oo min 2 gool u saxiixay kooxda Real Madrid. Halkaan ka Daawo ciyaarta oo aad u macaaneed: http://www.youtube.com/watch?v=36SwUDNvL_I . Kulamada kale ee Horyaalka Spain markii la wada ciyaaro dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa haduu alle raali ka noqdo. Horyaalka Ingiriiska oo kulankiisii 8-aad la ciyaaray ayaa waxaa Dhibco Muhiim ah laga Bililiqeeystay Kooxaha Man Utd iyo FC Chelsea waxaana Bililiqadaas ka faaideysatay oo hogaanka horyaalka England kor u soo dhaqaaqday kooxda The Gunners Arsenal oo 2-1 uga badisay naadiga Birmingham. Arsenal ayaa waxaa labada gool u kala saxiixay laacibiinta kacsan xili ciyaareedkaan ee kala ah Marwan Chamakh & Amir Nasri . Man Utd ayaa gurigeeda ama garoonka eey sida weeyn uga taliyaan ee Old Trafford waxa eey 2-2 la laafi waayeen kooxda West Bromwich . Kooxda Manchester Utd oo 2 gool ku hormartay ayaa waxaa u kala saxiixay Xiddigaha Hernandez & Luis Nani balse waxaa farxadaas ka dambeeysey cabsi iyo murugo la soo gudboonaatay Taageerayaashii garoonka Man Utd soo camiray oo u bogi waayey fak fakta kooxda West Brownwich. Man Utd ayaa goolasha waxaa ka kala dhaliyey laacibkooda qaranka France Patrick Evra oo iska dhaliyey gool halka uu goolka bareejada cunaha qabtay kana xareeyey Man Utd xiddiga qaranka Cameroon Salomon Tchoyi oo kooxda West Brownwich dhawaan eey ka soo iibsadeen Kooxda Salzburg ee horyaalka Austria weliba iyaga oo qiimo aad u jaban kula soo wareegay. Kooxda Fc Chelsea ayaa wax aan hal dhibic ka badneeyn ka soo qaadi weeysay guriga Aston Villa, Chelsea iyo Aston Villa ayaa waxa eey ku heshiiyeen in eeysan is ceebeen oo si tartiib ah dhibcaha 0-0 ku kala qaataan. Kulamadii kale ee dhacay ayaa waxa eey kooxaha Ingiriiska dhibcaha ku kala qaateen sidan:
| Manchester United |
West Bromwich |
2:2 |
| Arsenal |
Birmingham |
2:1 |
| Fulham |
Tottenham |
1:2 |
| Newcastle |
Wigan |
2:2 |
| Bolton |
Stoke |
2:1 |
| Wolverhampton |
West Ham |
1:1 |
| Aston Villa |
Chelsea |
0:0 | Maanta waxa kulmaya kooxaha Everton Vs Liverpool oo aad isku neceb maadaama eey isku Magaalo yihiin weliba min 6-dhibcood wataan iyo Kooxda Manchester City oo aadeysa guriga Blackpool. Kooxaha Horyaalka ingiriiska ayaa sidan u kala horeeyo.
| 1. |
Chelsea |
8 |
6 |
1 |
1 |
23:2 |
19 |
| 2. |
Arsenal |
8 |
4 |
2 |
2 |
18:10 |
14 |
| 3. |
Manchester United |
8 |
3 |
5 |
0 |
18:11 |
14 |
| 4. |
Manchester City |
7 |
4 |
2 |
1 |
9:3 |
14 |
| 5. |
Tottenham Hotspur |
8 |
4 |
2 |
2 |
10:7 |
14 |
| 6. |
West Bromwich Albion |
8 |
3 |
3 |
2 |
11:14 |
12 |
| 7. |
Bolton Wanderers |
8 |
2 |
5 |
1 |
12:12 |
11 |
| 8. |
Aston Villa |
8 |
3 |
2 |
3 |
9:12 |
11 |
| 9. |
Stoke City |
8 |
3 |
1 |
4 |
9:11 |
10 |
| 10. |
Blackpool |
7 |
3 |
1 |
3 |
11:15 |
10 |
| 11. |
Fulham |
8 |
1 |
6 |
1 |
9:9 |
9 |
| 12. |
Wigan Athletic |
8 |
2 |
3 |
3 |
6:15 |
9 |
| 13. |
Newcastle United |
8 |
3 |
2 |
3 |
12:12 |
8 |
| 14. |
Sunderland |
7 |
1 |
5 |
1 |
7:7 |
8 |
| 15. |
Blackburn Rovers |
7 |
2 |
2 |
3 |
7:8 |
8 |
| 16. |
Birmingham City |
8 |
1 |
4 |
3 |
8:12 |
7 |
| 17. |
Everton |
7 |
1 |
3 |
3 |
6:7 |
6 |
| 18. |
Liverpool |
7 |
1 |
3 |
3 |
7:11 |
6 |
| 19. |
Wolverhampton Wanderers |
8 |
1 |
3 |
4 |
8:13 |
6 |
| 20. |
West Ham United |
8 |
1 |
3 |
4 |
6:15 |
6 | Horyaalka Germany oo kulankiisii 8-aad fooda la is daray ayaa waxaa wadadii guusha ku soo laabtay kooxda Bayern Munchen oo 3-0 ku qaarajisay naadiga Honover. Bayern Munchen ayaa 3-da goolba waxaa u wada dhaliyey xiddiga Qaranka Germany Mario Gomez oo eey iska dhaleen Hooyo Jarmal ah iyo Aabe Spanish ah. Halkaan ka Daawo ciyaarta : http://www.youtube.com/watch?v=Pna5DFGkkpo Dhanka kale kooxda Mainz oo hogaanka u heeysay horyaalka Jarmalka kuna guuleeysatay ineey jabiso Record dhanka guusha ah 7-jeer oo isku xigto soo wada guuleeysatay ayaa waxaa si lama filaan ah gurigeeda 0-1 ugu qararamsatay kooxda Hambrug oo horboodayaal u ahaayeen Ruud Van Nistelrooy xiddigii hore ee Man Utd & Real Madrid oo kubada uu u soo shaqeenayey Ze Roberto: Halkaan ka Daawo Ciyaarta oo eheed mid aad u adag waxaana Hambrug goolka u saxiixay xiddiga qaranka Peru Guerrero : http://www.youtube.com/watch?v=qk0__WmgsoQ Kooxaha kale ee Horyaalka Budesligaha Jarmalka ayaa sidan isku mac salaameyey
| Mainz |
Hamburger SV |
0:1 |
| Bayern München |
Hannover |
3:0 |
| Bremen |
Freiburg |
2:1 |
| Schalke |
Stuttgart |
2:2 |
| St. Pauli |
Nürnberg |
3:2 |
| Wolfsburg |
Leverkusen |
2:3 | Horyaalka Germany ayaa kooxaha waxa eey u kala horeeyaan sidan:
| 1. |
Borussia Dortmund |
8 |
7 |
0 |
1 |
20:6 |
21 |
| 2. |
1. FSV Mainz 05 |
8 |
7 |
0 |
1 |
18:8 |
21 |
| 3. |
Bayer 04 Leverkusen |
8 |
4 |
3 |
1 |
18:14 |
15 |
| 4. |
Hamburger SV |
8 |
4 |
2 |
2 |
13:11 |
14 |
| 5. |
FC St. Pauli |
8 |
4 |
1 |
3 |
11:10 |
13 |
| 6. |
Hannover 96 |
8 |
4 |
1 |
3 |
11:11 |
13 |
| 7. |
SC Freiburg |
8 |
4 |
0 |
4 |
12:13 |
12 |
| 8. |
1899 Hoffenheim |
7 |
3 |
2 |
2 |
13:10 |
11 |
| 9. |
FC Bayern München |
8 |
3 |
2 |
3 |
8:8 |
11 |
| 10. |
Werder Bremen |
8 |
3 |
2 |
3 |
13:17 |
11 |
| 11. |
VfL Wolfsburg |
8 |
3 |
1 |
4 |
14:14 |
10 |
| 12. |
Eintracht Frankfurt |
7 |
3 |
0 |
4 |
11:9 |
9 |
| 13. |
1. FC Nürnberg |
8 |
2 |
3 |
3 |
9:11 |
9 |
| 14. |
1. FC Kaiserslautern |
7 |
2 |
1 |
4 |
9:13 |
7 |
| 15. |
Borussia Mönchengladbach |
7 |
1 |
3 |
3 |
11:20 |
6 |
| 16. |
FC Schalke 04 |
8 |
1 |
2 |
5 |
10:16 |
5 |
| 17. |
1. FC Köln |
8 |
1 |
2 |
5 |
8:15 |
5 |
| 18. |
VfB Stuttgart |
8 |
1 |
1 |
6 |
14:17 |
4 | !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|