Kakhaber Kaladze, Ciyaaryahan Tababar Ciidan qaba balse ka doortay inuu Difaaciisa ku ekaado, sidoo kale Laacib John Riise oo isna ku sigtay inuu Askari noqdo ahaana mudo gaaban. ku biiri Aqoontaada Sport !!
Sida aanu horay uga balan qaadnay bahda Ciyaaraha u Jalbeeysan ee ku xiran www.xiriiriye.com ayaa eheed inaanu u soo bandhigno Taariikhda Ciyaaryahan caan ah oo ka ciyaara dhanka difaaca asal kiisana ahaa Askari qibrad u leh la dagaalanka Mafiyada Bankiyada dhacda iyaga oo wajiga uu u duuban yahay.
Ciyaaryahankaan waxaa lagu magacaabaa Kakhaber Kaladze waxa uu u dhashay dalka Georgia oo ka mid ahaan jiray wadamadii ka goay Midowgii Soofiyeeti, waxaa uu ku dhshay Magaalada Samtredia 27.02.1978, dhirir kiisu waa 1,86, waxa uu ka ciyaaraa Difaaca dhaxda wuxuuna ku wanaagsan yahay Lugta bidix in uu Weerar yahanada caalamka ugu qatarsan kubada uga reebo.
Waxaa uu xili ciyaareedkaan ka soo wareegay Naadigii uu xiliga dheer la joogay ee AC Milan waxaana uu u soo wareegay Kooxdiisa cusub ee Fc Genua oo isla Horyaalka Talyaaniga ah. Beeca uu kooxda kula joogo waa Adduun gaaraya 1.500.000 €.
Kakhaber Kaladze ayaa Milan u ciyaarayey mudadii u dhaxeeysay 2001 ilaa xili ciyaareedkii ugu dambeeyey ee 2010 wuxuuna 194-kulan oo uu Milan u saftay u dhaliyey 12-gool waxaa kale oo uu horay ugu soo dheelay kooxaha Dinamo Kiev ee Horyaalka Ukrain ah iyo kooxda Dinamo Tiflis oo dalkiisa hooyo ah.
Dhoor sano ka hor ayaa waxaa Kakhaber Kaladze walaal kiis ka yar afduubatay falaago lagu magacaabo Afkhasia oo ka dagaalanta dalka Georgio waxaana uu ku soo daayey walaal kiis lacag faro badan oo eey dalbadeen Falaagadaas.
Ciyaaryahan Kaladze oo Aabihiis iyo Awoowgiis Ciidamo Milatray ahaayeen ayaa waxa uu qudhiisa 4 sano ahaa inta uusan kooxda Dinamo kiev ku soo biirin Askari soo xirtay ama dhameystay Tababarka ka hortaga Tuugada bankiyada dhacda iyo wixii la mid ah.
Intii uu kooxda Milan la joogay waxa eey la yaabi jireen qaabka uu Tababarka Ciyaartooyda uga kor kaco, waxa eey Naadiga Milan aad isku jeclaayeen Ciyaartooyda kala ah andreas Pirlo, Alessandro Nesta iyo Rugcadaagii hore Paulo Maldini.
Halkaan ka Daawo goolashiisii kuwii ugu wanaagsanaa : http://www.youtube.com/watch?v=x77rSccqtCk
FIIRO GAAR AH :DHANKA KALE WAXAA ISNA KU SIGTAY INUU ASKARI NOQDO DIFAACA QARANKA NORWAY IYO KOOXDA AS ROMA John Arne Semundseth Riise , Waxaana Riise uu Askari ahaa ugu yaraan 8-Bilood inkastoo hada uu walaalkiis yahay ciidamada Polic-ka Norgaha.
Filo Goor dhaw warar aad u xiiso badan oo goos goos ah.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
By: Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com