Wiil yar oo 12 Jir ah ayaa Maxkamad ku taal Dalka Mareykanka Xabsi Daain ku xukuntay & Sharciyada qaar ka tirsan Gobolada dalka Mareeykanka oo laga qeeyliyey (Muxuu sameeyey Wiilka yar iyo Mafiyada dalka Talyaaniga oo beerta la galiyey )
Cristian Fernandez waa Wiil yar oo Nasiib daro iyo Rafaad Adduunyo iskugu darsantay ka dib markii uu Xabsi daain ku muteeystay Dil uu kula kacay walaalkiis ka yar oo lagu magacaabi jiray David Galarriago da´diisuna aheeyd 2-sano jir oo kaliyah.
Cristian Fernandez oo 12 jir ah waxaa xukunkaas ku soo oogtay Maxkamad ku taal Magaalada Jacksonville kana tirsan Gobolka Florida ee dalka Mareeykanka. Inta badan War baahinta ugu magaca dheer Caalamka ayaa ku mashquulsan kiiska lagu soo oogay Wiilkaan yar wexeeyna warar kala duwan ka qoreen Qooyska uu ka soo jeedo wiilkaan yar gaar ahaan Hooyada dhashay Wiilkaan oo lagu magacaabo Bianella Susana ayaa waxaa iskugu darsantay Naxdin iyo Qasaaro Adduun maadaama Wiilasheeda mid uu ka dhintay midkii kalena Xabsi Daain loo diray.
Waxaa inta badan laga qeeyliyey qaar ka mid ah Gobolada dalka Mareykanka oo Sharciyada u degsan eey dhigayaan in Ruuxii wax dilaa ha yaraado ama ha weeynaaydo marba hadii uu da´da 11-sano jirka ka weeynaado waxaa qabto Sharciyada Goboladaas.
Waxaa arintaan la yaabay oo Sharci nuucaas ah uusan ka jirin Qaarada Yurub, Qaarada Africa, Qaarada Australia iyo mida Latiin America oo intooda badan Sharciyada u yaal lagu xukumi karo Caruurta dilka geeysata marka eey 16-Jir yihiin ama 18-sano ku qaan gaaraan.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo Gobolo ku yaal dalka Mareykanka lagu xukumo Ciyaal yar yar waxaana Kiiskaan Cristian Fernandez ka sii horeeyey oo Xabsi Daain lagu xukumay dhoor bilood ka hor Wiil lagu magacaabo Jordan Brown (12-Jir) oo Dilay Xaaska Aabihiis qabay oo lagu magacaabi jiray Kenzie Houk .
Halkaan ka Akhriso Mucjisada Arintaan dhacday : http://justice4caylee.forumotion.net/t13920-david-galarriago-2-yo-accused-christian-fernandez-brother12-jacksonville-fl .