Hal Xiraalaha Todobaadka : Waa kuma Ciyaaryahankaan Garoonka Dhaawaca la dhex Jiifa? Maaliyada uu hada gashan yahay kooxda ku ciyaarto Magaceed? (Su´aashaan wexeey u badan tahay ineey Jawaab u heli doonaan Khabiirada Sport ee Muuqaalka kore ee Ciyaaryahanada yaqaan xiliyada eey sii jeedaan)
Hal Xiraalaha Sport ee Isbuucaan ayaa aad u adag wexeeyna u badan tahay in uu Jawaab u heli doono Aqristaha inta badan ciyaartooyda qaab socodkooda ama qaab Jir dhiskooda yaqaan .
Waxaa lagaa doonayaa oo kaliyah Waa Kuma Ciyaaryahankaan Garoonka dhaawaca adag la dhex Jiifa???... Maaliyada uu qabo kooxdee ayaa ku ciyaarto??
Fiiro Gaar Ah: Xiriiriye.com waxa uu idinka caawinayaa, inuu qaabkaan fudud idiin fahamsiiyo: >>> Ciyaaryahankaan waxa uu dhanka Weerarka uga ciyaaraa Qaran & koox Caan ah , wuuna la joogaa ilaa hada oo kama uusan tegin, markaan uu garoonka dhex jiifayna waa isla Horyaalka hada socda.
Jawaabta iyo Cod tirinta waa maalinta Axada ah haduu Rabi raali ka noqdo gelinkeeda dambe waanu soo saari doonaa Dhibcaha Guuleeystayaasha. Fadkan Jawaabta soo raaci Magacaaga oo sadexan iyo hadii aad Neenaas leedahay inta noogu soo dir hadaad wax isku heeyso ama Masuul Sport tahay >>> xiriiriyesports@hotmail.com .
Dhanka kale Filo goor dhaw Weeraryahan ka xanaaqay Sawir gacmeed uu Aartiste ka sameeyey. Warkaan Tarjumis ayaa ku socdo.
Kooxda West Ham Utd ayaa 4-0 ku suul daartay Man Utd ciyaar ka tirsaneed England - League Cup, halka Arsenal 2-0 ku garaacday kooxda Wigan Athletic. Kooxaha England ayaa inta badan is dhoor dhoora oo aan daneeyn koobka League Cup wexeeyna xooga saaraan Horyaalka. FA-ga, iyo Champions League.
Filo goor dhow Faalooyin Xul ah:
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com