News: Dalka Ivory Coast oo Kaalinta 1-aad ka galay Daraasad eey soo saareen Fifa & Caf oo looga hadlayey Ciyaartooyda yar yar ee Mustaqbalka ku leh Kubada Cagta, Somalia oo gashay Kaalin laga naxo, iyo Wararkii ugu dambeeyey ee Sport.
Daraasad Kormeer iyo qiimeeyn eey sameeyeen Xiriirka caalamiga ah ee FIFA iyo Xiriirka The Confederation of African Football oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan CAF ayaa waxaa kaalinta 1-aad gashay Dalka Ivory Coast.
Qiimeeyntaan ayaa ku saabsaneed qaabka lagu ogaan karo wadamada eey 15-sano ka dib u soo bixi doonaan Ciyaaryahano yar yar oo dhanka kubada cagta meel wanaagsan ka soo gaari doona. Qiimeeynta nuucaan ah ayaa inta badan waxaa sameeya wadamada Qaarada Yurub iyo kuwa Latin Amerika.
Waxaa wax laga naxo noqotay markii Daraasada & warbixintu sheegtay in Somaaliya kaalinta 46-aad ku jirto balse Xiriirka FIFA & Caf eey ku qanciyeen Somaalida in laga yaabo in Ciyaaryahano wacan eey uga soo baxaan Wadamo badan oo ku yaal Qaarada Yurub. Waxaana Fifa & Caf Calaamad Naaqus ama Murugo ah saareen Somaliya iyaga oo ku hoos qoray sidan: (Somaliya waxaa la dagay oo Dunida ka reebay Dagaalo sokeeye)
Hadaanu ka soo qaadano 10-kii Wadan ee ugu koreeyey War bixinta Ciyaartooyda Mustaqbalka ayaa waxa eey kala ahaayeen sidan :
Wadamada deriska na la ah ayaa waxa eey kala galeen sidan:
Kenya Kaalinta 22-aad, Itobiya Kaalinta 34-aad, Jabuuti Kaalinta 39-aad.
X I R I I R I Y E W O RLD S P O R T N E W S A Y A A W A X A A U G U W A A W E E Y N :
** Difaaca Qaranka Portugal uu ku dhaarto iyo Kooxda Real madrid Ricardo Carvalho ayaa wareysi uu wax yar ka hor dhiibay ku sheegay in Horyaalka Premier League ee Ingiriiska uusan jirin horyaal ka adag.
Ricardo Carvalho ayaa yiri sidan: Waan la socdaa in Horyaalka Primera División Spain eey ka dheelaan Ciyaartooyda Dalkii soo qaaday Qaramada Yurub 2008 hadana ku darsaday World Cup 2010 weliba eey ka dheelaan Laacibiinta ugu caansan Dunida uguna qaalisan sida Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi anoo taas fiirineyn ayaa waxaan idiin cadeenayaa in Horyaalka England uu ka adag yahay kan Spain weliba waxaan cadeenayaa in xiligii aan ku cusbaa FC Chelsea iyo Horyaalka Ingiriiska aan aad ula yaabi jiray sida aan u galay jawi adag oo ciyaareed, hadana halkaan (Real Madrid) waxeey ii tahay sida Horyaalka Portugal camal. Mar la weey diiyey Carvalho cida adag Real Madrid oo uu xili ciyaareedkaan ku soo biray ama Fc Chelsea ayaa waxa uu yiri waxaa Kubad adag Maskax ahaan FC Chelsea : Soo uma jeedaan in 5-kulan oo kooxda Chelsea dheeshay Premier League dhamaan wada badisay 21 goolna dhalisay halka laga dhaliyey 1-gool oo kaliyah..
** Messi waa naga Beec 10-sano ka dib cidii rabta mar kaas ha isku diyaariso: Sidaas waxaa yiri Macalinka Barcelona Pep Guardiola
Tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa ka nixiyey Kooxo badan oo gambar gaaban ugu fadhiyey Laacib Lionel Messi. Guardiola ayaa sheegay in Messi oo hada 23-sano jir ah eey iska iibin doonaan 10-sano ka dib. Tababaraha ayaa u dan lahaa in Riyada eey ku jiraan Kooxaha Real Madrid, Man Utd iyo Inter iska iloobaan.
** Kooxda Chelsea oo aad u dooneeyso Laacibka da´da yar ee Qaranka Germany iyo kooxda Bayer München Toni kroos .
** Adebayor & Mancini oo isku kacsan. Weeraryahanka Qaranka Togo iyo kooxda Man City Adebayo ayaa booskiisa qal qiil galay maadaama uu dhaawac ka soo laabtay ciyaartii shalay weliba kooxda Man City ciyaartooy badan soo iibsatay(Sun-News)
** Daily Mail oo soo bandhigay in kooxaha ugu Tunka weeyn Horyaalka Ingiriiska eey isku heestaan Xiddiga kooxda Bremen & Qaranka Jarmalka Marko Marin . Kooxaha doonaya marin ayaa kala ah Man Utd. Arsenal, iyo Liverpool.
Kooxda Liverpool ayaa ila hada soo bandhigtay qiimaha eey Mark Marin ku dooneyso waana 18-Milyan oo Euro.
La Socod siin: Barnaamishka La Yaab waxa uu maanta ku saabsan yahay Laacib caan ah oo ka dheela Horyaalka Ingriiska oo Xasaasiyad iyo Cabsi ka qaada Hilaaca iyo Onkodka. Wareysiga Laacibkaan ayaa waxaa soo daayey Sky-Sport (Filo goor dhaw war kaas oo dhameystiran iyo warar kale oo Sport-News ah.