Xusuus iyo isku soo bax loo sameeyey Andres Escobar oo ah Ciyaaryahankii Qarankiisa Colombia Goolka ka dhaliyey ka dibna Taageerayaasha dalkiisa eey Toogteen iyo Warar kale .
Andres Escobar oo ah ciyaaryahankii ugu Nasiibka xumaa dunida ka dib markii xulkiisa Qaranka Colombia isaga oo is leh difaac uu gool aan kutala gal aheeyn ka dhaliyey World Cup 1994 ayaa wexeey sababtay in isla markii uu xiligaas ku laabtay dalkiisa Colombia eey Taageerayaal careysan toogteen.
Andres Escobar ayaa dhoor wadan oo aan Colombia deris la aheeyn loogu dhigaa xus weeyn iyo soo xasuusin ku aadan bulshada xiddigaas eey toogteen taageerayaasha qaabka daran. Wadamada shalay laga xusay Andres Escobar ayaa waxaa ka mid ahaa Dalalka Chille, Costa Rica, Argentina & Ecuador.
Taageerayaashii u tiiraanyoonayey Xiddigaas ayaa wajiga iyo jirkooda ku soo buufsaday Sawirkiisa iyo Lambarkii 2-aad ee uu caanka ku ahaa. waxaa idoo kale telefishanada caalamka ee Sportiga laga arkayey Fanaaniin caan ah oo ka kala yimid Mareykanka iyo England sida Robbie Willmms & Akon.
** Xiddiga Qaranka Portugal iyo Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa qarka u saaran inuu ku guuleeysto sooxero gelintiisa iyo dooniistiisa ku aadan Weyne Rooney oo reer Man Utd isla ahaan jireen. C.Ronaldo ayaa la sheegay in arinta Rooney oo maanta Saxaafada Sportiga aad u hadal heeysay uu ka dhaadhiciyey Jose Morinho iyo Maamuka Real Madrid sideey ku keeni lahaayeen Rooney. Cristiano Ronaldo iyo Rooney ayaa la cadeeyey ineey Telefoon ku wada sheekeeystaan Daily. Labadaan Laacib ayaa awal waagii Man Utd dagaal isku bartay xili mar eey is dagaaleen koobkii Qaramada Yurub 2004 uu Rooney rooso ku qaatay ciyaaryahay uu legday ka dibna Ronaldo is dagaaleen waxaa xiligaas aad ula yaabay bahda Sportiga oo fahmi weeysay sida eey labo ciyaaryahan oo isku koox ah waxa sidaas oo dhan isku necbeeysiiyey.
**Xiddigii dhawaan shilka ka bad baaday ee u ciyaara Man Utd Anderson ayaa lagu wadaa in uu u wareego kooxdiisii hore ee awal uu ka yimid FC Porto. Anderson oo kooxda Red Devils 2007-kii 31,5 Milyan oo euro kaga soo iibsadeen isla kooxda Porto ayaanan la ogeeyn waxa hada soo dedejisay kulaabashadiisa kooxdiisii hore ee Fc Porto. Anderson oo 22-jir ah ayaa heeshiiskiisa waxa uu ku ekaa ilaa 2012 balse hada waxaa Man Utd ka goan ineey laacibkaas shaqada badan iska iibiso waxaana warkaas maanta qoray Skysport.
Ogeeysiin: Bahda www.xiriiriye.com ku xiran waxaa la ogeeysiinayaa in aanu ka soo baxnay balantii aan horay u qaadnay ee eheed inaan afka hore ee Xiriiriye soo saari doono Astaamaha, Heesaha ama Calaamadaha eey 10-ka kooxood ee Dunida ugu taageerada badan leeyihiin, waxaana mar dhaw bilaabi doono Cod bixin ku aadan kooxda ugu hees ama Astaan wanaagsan. Mahadsanidiin..Filo goor walba warar News ah.
OGEEYSIIS: waxaa bilaabmay Barnaamish la magac baxay (Xiriiriye & Xiriirka Dadweeynaha) , wuxuuna Akhriste kasta iyo bahda www.xiriiriye.com ku xiran soo bandhigi karaan Ciyaaryahanka uu taageero iyo sababta uu ku taageeray ka dibna waxaanu soo bandhigeeynaa Taariikh nololeedka Ciyaaryahan-kaas oo dhameeystiran weliba wadata Video-daawasho ah iyo Sawiro cadeen ah. Halkaan noogu soo dir Ciyaaryahanka aad Taageerto iyo sababta aad ku taageertay iyo Magacaaga oo sadexan. xiriiriyesports@hotmail.com inaguna waxaan soo bandhigi doonaa haduu alle idmo Taariikhda Laacibkaas & magacaaga oo Sadexan iyo weliba sababta aad ku taageertay. Mahadsanidiin.